Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ay heshiis kukala sixiixdeen labada Jabhadood ee OLF iyo OFC, kuwaas oo udhaqdhaqaaqa xaqa ay qoomiyada Oramadu uleedahay aayo katashigeeda.

Jabhada OLF oo mudo dheer duurka kujirtay si ay xoriyad ugaadhsiiso shacabka Oromada iyo Ururka OFC oo in badan gudaha ka dhaqdhaqaaqi jiray ayaa maalinnimadii shalay magaalada Addis Ababa heshiis kukala sixiixday si ay uga dhabeeyeen hamigii shacabka Oromada.

Labada Urur ayaa kuheshiiyay in ay midoobaan si loomideeyo Maalka, Muruqa iyo maskaxda shacabka Oromada, waxayna ugu dambays isla geedheen heshiis isku aragti iyo isku hadaf laga dhigayo qoomiyada Oromada oo ah mida ugu badan qoomiyadaha Itoobiya.

Labada Urur waa OLF iyo OFC e ayaa mudo dheer dibad joog ka ahaa siyaasada wadanka iyagoo ladagaalami jiray maamulkii wayaanaha ee kooxdii TPLF ay hogaaminaysay, waxayna labada Jabhadoodba halmar heshiis lagaleen maamulka cusub ee hada talada wadanka qabtay.

Xukuumada xusub ee Abiye Axmed uu hogaaminayo ayaa bilowgiiba kudhawaaqday nabad galiyo iyo iscafis, waxayna dhamaan ururada hubaysay ugu baaqday wadahadal, iyadoo siidaysay dhamaan maxaabiistii siyaasadeed shuruud la’aan.

Heshiiska labada Urur ayaa lagu wadaa in uu waxbadan katari doono doonistii shacabka Oromada oo ahaa xornimo iyo dimuqraadiyay, waxayna arintan tusaale unoqon doontaa idkasta oo shacabkeeda larabta hormar iyo xoriyad.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay