Koox hubeysan ayaa Isniintii weerar ku qaaday xarunta dhexe ee hay’ada Batroolka ee wadanka Liibiya oo ku taal badhtamaha caasimada dalkaasi ee Tripoli.

Weerarkan ayaa la sheegay inay gaysteen koox gaadheysa lix nin oo la sheegay in mid kamid ah isku qarxiyey gudaha xaruntaasi. Illaa iyo hada majirto koox sheegatay weerarkan balse dowlada Liibiya ayaa sheegtay inay tuhunsan tahay inay ka danbeyso kooxda Daacish (ISIS).

Ugu yaraan labo kamid ah meydka ragga weerarka gaystay ayey dowlada soo bandhigtay, walow aan la aqoon halka ay ku danbeeyeen kuwii kale ee weerarkaasi ka qeyb qaatay. Waxaa jira weli warar is khilaafsan oo kasoo baxaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhalatay weerarkan, walow saraakiisha dowlada ay sheegayaan in ugu yaraan 2 kamid ah illaalada xaruntaasi ay ku dhinteen dagaalka ka dhacay gudaha xaruntaasi, halka 10 kamid ah shaqaalaha dowlada ay dhaawacmeen.

Kadib qaraxa ka dhacay qeybta hoose ee xaruntaasi ayaa waxa goobtaasi ka dhashay dab xoog leh oo khasaaro u gaystey daartaasi oo ah goobta ay ku shaqeeyaan madaxda dowlada Liibiya u qaabilsan arrimaha Batroolka, waxaana la arkayey shaqaalaha goobtaasi oo qaarkood daaqadaha xaruntaasi jabinaya si ay uga baxsadaan goobtaasi.

Waa weerarkii ugu cuslaa oo noociisa ah oo lala beegsado xarunta hay’ ada qaabilsan batroolka dalkaasi, walow ay horey u dhici jirtay in maleeshiyaadka Hubeysan ee dalkaasi ay isbaaro u dhigtaan goobaha shidaalka laga soo saaro.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay