Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in lasoo gabagabeeyay shir amaanka wadanka lagu qiimaynayay isla markaana ladoonayay in xal waara lagaga gaadho amaanka marba marka kadambaysa siixumaanayay.

Shirkan aad loogu qiimeeyay amaanka wadanka ayaa la isla qiray in amaan xumadu ay wadanka kusiibadanayso isla arkaana uu wadanku khatar gali doono hadii aan si dhakhso ah wax looga qabanin.

Hay’adaha amaanka ee kulanka kaqayb galay ayaa farta kufiiqay ciidamada gaarka ah ee deegaanada ee Layuu Police-ka looyaqaano kuwaas oo lagu sheegay in ay qayb lixaad leh kaqaataan amaan xumada wadanka ee kasiidaraysa.

Ciidamada gaarka ah ee deegaanada kadhisan ayaa lasheegay in ay qayb kayihiin dagaalada udhaxeeya qoomiyadaha, kuwaas oo kasocda meelo badan oo wadanka ah, waxayna hay’adaha amaanku isla taataabteen sidii wax looga qaban lahaa.

Taliyaha Ciidamada Itoobiya General Sara MeKonon oo kulanka kahadlay ayaa sheegay in qiimayn wayn lagu samayn doono ciidamada gaarka ah ee Layuu-ga looyaqaano ee Gobolada kadhisan.

General Sara ayaa intaas kudaray in wixii hada kadambeeya aan loodulqaadan doonin cidii isku dayda in ay amaan xumo wadanka kadhex samaysa, wuxuuna intaas raaciyay in shaqada laga eryi doono cidii lagu ogaado qiimaynta lasamayn doono.

Madaxwaynaha Itoobiya Dr Malatu Tashoma oo shirka kasoo qayb galay ayaa hay’adaha amaanka faray in si dhakhso ah wax looga qabto amaan xumada wadanka iyo barakaca shacabka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay