Wararka naga soo gaadhaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in xilalkoodii laga xayuubiyay Taliyihii ciidanka masiibooyinka kahortaga iyo kuxigeenkiisii, kuwaas oo wareegtada xilka qaadistu ay soogaadhay maalinnimadii shalay oo Arbaco ahayd.

Comander Amanual Rada iyo Kuxigeenkiisii oo horjoogayaal u ahaa kooxaha kahortaga dabka, daadadka iyo masiibooyinka kale ee dadwaynaha kuhabsada ayaa lasheegay in xilka qaadis lagusameeyay xili ay howlahooda caadiga ah isu diyaarinayeen.

Macada sababta labadan nin xilkii looga qaaday balse waxaa jiray isbadal guud oo baryahan kajiray Itoobiya iyo dabagal lagu hayay mas’uuliyiintii lasoo shaqaysay maamulkii hore ee wayaanaha oo dhibaatooyin waawayn wadanka kagaystay.

Dhinaca kale waxaa xilkii iska casilay maareeyihii hay’ada maalgashiga ee Itoobiya Dr. Balachew Mukriya kaas oo waraaqdiisa is casilaada soosaaray shalay oo Arbaco ahayd.

Lama oga sababta keentay in uu masuulkan is casilo hase yeeshee waxaa larumaysan yahay in uu kabaqay dabagalka iyo baadhitaanka wadanka kasocda kaas oo lagu dabagalayo musuq maasuqii dhacay.

Guud ahaan hay’adaha kala duwan ee Itoobiya ayuu khalkhal iyo habacsanaan lagasoo sheegayaa kadib markii maamulka cusub ee Abiye Axmed uu bilaabay xisaabtan iyo in qofkasta dabagal lagusameeyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay