Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya ayaa sheegaya qalalaase iyo xasilooni daro cirka isku shareertay kadib markii ciidamada deegaanku ay bilaabeen dhac iyo afduub xoogan.

Sida xogta aan kuhelayno ciidan maleeshiyaad ah oo Gobolka kahowl gala ayaa affuubay in kabadan 2000 oo qof oo shacab ah kuwaas oo aan lagaranaynin meesha dhabta ah ee lagu hayo, waxaana lasheegayaa in hanti badan ay maleeshiyaad ku dhaceen.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan koonfurta wadanka Itoobiya ayaa sanadihii lasoo dhaafay isu laynayay qabiil qabiil iyagoo kala dhacay hanti aad ubadan isla markaana kala filay dad aan laqiyaasi karin oo shacab ah.

Sida aan qormooyin kaanagii hore kusheegnayba waxaa Gobolka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya kabarakacay malaayiin shacab ah kuwaas oo kudhex tabaalaysan gudaha wadanka iyo dibadaba.

Ciidamada iyo maamulka Addis Ababa ayaan kaalin mug leh kaqaadanin qaboojinta colaada Gobolka Shucuubta Koonfureed iyo wax kaqabashada maleeshiyaadka dadka shacabka ah boobaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay