Waxaa habeenimadii xalay oo Khamiis ahayd khadka isgaadhsiinta kuqabsoomay kulan muhiim ah oo dhex maray madax kasocotay 12 urur oo ay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO kamid tahay.

Ururadan oo dhamaantood kasoo horjeeday maamulkii wayaanaha iyo guud ahaan cadaalad darada mudada dheer kajirtay wadanka Itoobiya ayaa kulan muhiim ah isugu yimid yagoo kawada xaajooday danaha shacabka ay matalaan.

Ururadan oo ahaa Isbahaysigii PAFD ee 5 ta urur ay kumidaysnaayeen iyo 7 urur oo kale ayaa dhawaan lagu aas’aasay magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxayna ururadu kubalameen in ay iska kaashadaan sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka ragaadiyay shcuubta kala duwan ee xukunka Itoobiya kuhoos jira.

Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta JWXO mudane Xassan Macalim oo Jabhada ONLf matalayay ayaa kulanka xalay kasoo jeediyay warbixin dheer oo Ogaadeeniya iyo geeska Africa ba taabanaysay, wuxuuna hogaanku xubnihii kulanka kula jiray ucadeeyay mowqafka JWXO iyo sida ay ulajaanqaadayso isbadalada wadanka kasocda.

Sidoo kale waxaa kulanka kahadlay madax matalaysay ururada kale kuwaas oo dhamaantood kawar bixiyay Goboladooda iyo xaalada shacabkii ay matalayeen.

Madaxdii kulanka sooxaadirtay ayaa dhamaantood isku raacay sidii looga shaqayn lahaa hormarka shacabka iyo lajaanqaadida isbadalada socda iyo Waliba ka warsugida qorshayaasha Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Madaxda ururada ee kulanka isugu timid ayaa sheegay in ay shacabka iyagu Matalaan 80% isla markaana ay lagama maarmaan tahay in ay raadiyaan xaqooda iyo xuquuqdooda una maraan wado kasta oo suuragal ah.

Gabagabadii kulankii xalay ayaa kusoo dhamaaday isfahan iyo in howlaha ururada horyaala halkoodii laga sii anba qaado, loona diyaar garoobo isbadalada dhacaya iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay