Filim ka hadlaya Xasuuqa Ogadeniya 1994- 2012 hlakn ka daawo
Filimkan oo ka hadlaya xasuuqa Ogadeniya ayaa waxa soo diyaariyay Ururka dhalinyarada iyo Ardeyda Ogadeniya OYSU Faraca Australiya gaar ahaan Melbourne, Waxana lagu soo bandhigay Maalinta Xasuuqa Ogadeniya February. Filimkan oo qiiro xog badan oo xaqiiq ah xanbaarsan ayaa waxa uu muujinaya dadaalka Ururka Dhalinyarada OYSU ay ugu jiraan soo bandhigida iyo u ololeynta dhulkooda hooyo. Waxa uu kamid yahay waxqabadyada waaweyn ee Urur dhalinyaro ay fulin karaan.
Dhalinta OYSU ayaa laga soobilaabo Sanadkii 2010 markii ay ku bahoobay daladaas guud waxay la yimaadeen waxqabadyo aad u sareeya iyaga oo hirgaliyay in sanadkasta la qabto Maalmo la xuso qadiyada Ogadeniya iyo astaamo gooni ah oo ay sameyeen. Waxa maalmahaas kamid ah Maalinta Haweenka Ogadeniya oo bilkasta oo March ah laxusi doono iyo Sidoo kale Maalinta Xasuuqa Ogadeniya oo bilkasta oo February ah la xusi doono.
Astaamahan ayaa shacabka ku beeraya dareen gooni ah iyo xasuus iyaga oo wacyigalin ka helaya. Hoos kadaawo Filimkan qiirada Xanbaarsan iyo Xogta badan.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=10359














