Waxaa maalmihii udanbeyay xaalad cakiran iyo isdhexyaac kujirta caasimada Itoobiya ee Addis Ababa waxaana isku haysta taageerayaasha ururada Ginbod 7 iyo OLF oo kala matala qomiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Iskudhaca labada qomiyadood ayaa saamayn wayn ku yeeshay isku socodka iyo amaanka casimada Itoobiya. Hadaba qalaalasaha kataagan Addis Ababa ayaa Waxaa walaac kamuujiyay Wadamada reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska iyo Maraykan.

Waxay labadan wadan muwaadiniintooda Addis Ababa kusugan uga digeen inay tagaan goobaha rabshadahu kasocdan iyo gaar ahaan Bole iyo Meskel Square oo laga cabsi qabo in labada qomiyadood isku hardiyaan.

Dhankakale waxaa maanta Addis Ababa kusoo wajahan gudoomiyaha ururka OLF Daaud Ibsa waxaana magaalada  kusoo ququlaya kumanaan Oromo ah si ay usoo dhaweeyan madaxda ururka OLF oo dhawaan uu heshiis dhex maray maamulka Abiy Axmed.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay