Jaaliyada Ogaadeniya Ee Yamen oo Kulan koodii Caadiga ahaa isugu Yimid.
Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Sheekh Mohamed Hassan, isaga oo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga waramaayay marxalada halganka Ogaadeniya iyo Gumaysiga Itoobiya ee sii liicaya.
Waxaa asagana warbixin laga dhagaystay Hogaanka Warfaafinta Jaaliyada Mudane Ahmed Nuur, isaga oo soo jeediyay warbixintii todobaadka. Shirkan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay qaar badan oo kamid masuuliyiinta jaaliyada iyo xubnaha waxayna ka warameen marxalaa guud ee halganka.
waxaa kale oo shirka lagu gudoon siiyay shahaado sharaf xubnihii mutaystay ayagoo lagu sharfay shaqada halganka iyo sida uga soo qayb qaateen.
Shirka ayaa gaba gabdii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in lasii laban laabo kaalinta halganka Ogaadeniya ay kaga aadan yihiin Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee Yemen.
ONA/Sanca.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.