Waxaa magalada wardheer ee xarunta gobolka Doolo hada gaadhay Wafti heer sare ah oo kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya.

Waftigan oo ay hor kaacayaan Madaxda ciidanka JWXO iyo qaar kamida xubnaha OYSU ayaa goor dhawayd gaadhay magalada wardheer ee xarunta gobolka Doolo halkaasi oo ay sidiiran ugu soo dhoweyeen shacabka magalada wardheer.

Waftigan ayaa socdaalo dhaadheer kumaraya dhamaan gobalada ogadenia tuulooyinka iyo dagmoyinka waxaana goob kasta si farxadle ugusoo dhawaynaya shacabka soomaalida Ogaadeniya ee u ooman aragtida JWXO.

ONA/Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay