Shacab aad u tiro badan oo asal ahaan ka soo jeeda Qawmiyada Oromiya ayaa maanta iskugu soo baxay badhtamaha magaalada Addis Ababa.

Shacabkan ayaa si diiran usoo dhaweeyay madaxda Jabhada Xoraynta Oromiya (OLF) oo kasoo degtay magaalada Addis Ababa kadib markii uu heshiis is afgarad ku dhex maray dalka Eritra bishii lasoo dhaafay. Ku dhawaad 1300 xubnood oo iskugu jira madax, kaadir iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Jabhada OLF oo uu hor kacayo Gudoomiyaha ururka OLF Mudane Daa’uud Ibsa ayaa si diiran maanta loosoo dhaweeyay.

Soo dhawayntan oo ay hadheeyeen maalmihii lasoo dhaafay qul-qulatooyin khasaare dhaliyay oo dhex maray dad kala taabacsan Qawmiyadaha Oromada iyo Axmaarada oo labaduba sheegta lahaanshaha magaalada Addis Ababa ayaa is hardiyay, taasoo ay ka dhalatay isfahan la’aan ku saabsan qaabka loosoo dhawaynayo madaxda OLF oo Axmaaradu ka cadhootay.

Oromada ayaa abuul balaadhan kadib ku guulaysatay inay soo bandhigaan cudud taageero oo aan la loodin karin taasoo u suurtagalisay inay sidiiran madaxdooda u soo dhaweeyaan. Colaada u dhaxaysa labada qawmiyadood ayaa la aaminsan yahay inay ka waynta tahay soo dhawaynta madaxda balse ay salka ku hayso arimo badan oo in mudo ahba soo jiitamayay sida lahaanshaha Addis Ababa iyo cida u xaq leh inay maamusho.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay