Masuuliin iyo ciidan aad u tiro badan oo katirsan Jabhada Xoraynta Oromiya (OLF) ayaa kasoo gudbay xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Eritrea.

Dhanka Gobolka Tigrey oo xad la leh wadanka Eritrea ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay ciidankii Jabhada OLF iyo madaxdii ku wehelisay oo aad u tiro badnaa. Shacabka Tigrey oo ay hor kacayaan madax iyo shakhsiyaad can ka ah deegaanka Tigrey oo lulaya calanka OLF ayaa si diiran u soo dhaweeyay.

Talaabadan uu manta shacabka Tigrey ku talaabsaday ayay ku fasireen dadka siyaasada Itoobiya falanqeeya inay kamid tahay isbedallada taariikhiga ah ee guud ahaan Geeska Africa ka socda gaar ahaan Itoobiya oo marxalad cusub cagta saartay waloow aan la saadaalin Karin Meesha ay ku dambayn doonto.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay