Milateriga Itoobiya ayaa sheegtay inay duqeyn ku dileen ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya.
Taliyaha ciidammada cirka Itoobiya, Jen Yilma Merdassa ayaa u sheegay FANA in diyaaradaha milateriga Itoobiya ay beegsadeen dagaalyahannada al-Shabaab oo qorsheynayay inay weerarro ka geystaan saldhig ciidammada AMISOM.
Jen Yilma , waxaa kaloo uu sheegay in duqeynta lugu gubey labo ka mid ah gaadiidka ay wateen kooxda al-Shabaab, gaadiidkan ayaa sida uu sheegay taliyaha ciidanka cirka Itoobiya waxaa kooxda ay ku diyaarisey waxyaabaha qarxa oo ay qorsheynayeen inay ku weerarran saldhigga ciidanka AMISOM.
Taliyaha ciidanka cirka Itoobiya, ma uusan sheegin xilliga iyo goobta ay diyaaradaha milateriga Itoobiya ay duqeynta ka fuliyeen sidoo kale majiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay