Qarax gaadhi ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka xili halgkaa ay aheyd mid aad u mashquul badan.

Qaraxan oo ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa mid lagu xidhay gaadhi lagu sheegay inuu yahay Hilux oo maraayay Koontaroolka Ciidanka madaxtooyada ee Koofiyad casta loo yaqaan ee ku yaalla dhismaha Tiyaatarta Qaranka. Inta la xaqiijiyay Qaraxa  ayaa waxaa ku dhaawacmay Hal qof oo la sheegay inuu la socday gaariga, halka darawalka gaariga uu isna u dhintay dhaawac soo gaaray.

Gaadhigan qarxay ayaa lasoo sheegayaa inuu lahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu Magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud Booroow, islamarkaana uu dhaawac soo gaadhay, halka uu dhintay darawalkii gaariga waday.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa Gaadhiga ayaa waxaa ka badbaaday ciidamadii la socday, waxaana kiiska Qaraxa iyo ilaalada Xildhibaanka la wareegay ciidamada amaanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay