Wararka nagasoo gaadhaya caasimada gumaysiga itoobiya ee Adis Ababa ayaa sheegaya in  aga gaarka casimada itoobiya gaar ahaan galbeedka  adis ababa kasocdaan dagaalo xoogan udhaxeeya qomiyadaha itoobiya, ee halkaas wada dagan.

wararka ayaa sheegaya in dagaalka ugu xun kadhacay magalada Burayu oo galbredka adis ababa dhacda sidoo kale waxay dagaaladu kasocdaan magaalooyinka kala ah  Ashewa meda, Anfo, Keta iyo asko, iskudhaca qomiyadaha oo bilowday khamiistii ayaa waxaa lagu beegsan hayaa qowmiyadaha Gamos, woloyta, & Gurage waxaana weerarka fulin haya dhalinyaro abaabulan oo dil kufsi iyo dhac gaysan haya.

Dagaalka ayaa sidoo kale waxaa isku beegsan haya Qawmiyadaha Oromada iyo Axmaarada oo uu dagaal ku salaysan dhicaha lahaanshaha magaalada Adiss Ababa.

dagaalkan ayaa sida lasheegayo waxaa ku dhintay dad farabadan oon ilaa hada tiradooda rasmiga ah lahayn sidoo kalana waxaa ku barcakcay kumanan qoys oo hada iskuulo adis ababa kuyaala qaarkood sikumeel gaadh ah loodajiayay, iskudhacan oo booliska maamulka oromadu waxba kaqaban kari waayay ayaa waxuu taliska itoobiya udiray mulatariga iyo fadaraal booliiska si ay xaalada cakiran wax uga qabtaan,dhankale waxaa xidhan dhamaan isusocdkii gaadiidka magaalada oo dhan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay