Haday Ururadii ANC (S. Africa) EPLF (Eriteria) SPLA ( S. Sudan) Dadkoodii Xorriyad Gaadhsiiyeen Maxaa Udiidaya ONLF inay Xorriyad Keenaan! By: Xaaji M/rashiid

Waxaa jira masalo ay umadaha dunidu isku wada raacsanyihiin, taas oo ah in cid waliba ay maamusho Gurigeeda, haku maamusho nidaam dawli ah ama nidaam qabali midkoodii usuurto galee. Markaan sidaa leeeyahay uma eegayo diin, midab iyo qaarada ay dagenyihiin toona. Laakiin ogow waxaa kale oy umaduhu ka simanyihiin in cidii ay xoogaa awood ama dhaqaale ahi usiyaado ay damaacido cidii iyada kayar hoosaysa awood ahaan iyo dhaqaale ahaan. Dad yar umbaa ka badbaadi kara damaaciga noocaasa ee halista ku ah dadyowga kale.

Ururka ANC iyo hadafkiisii- South Africa

Ururka ANC waxaa dhidibada loo taagay 1912 kasoo hadafkiisu ahaa in bulshada Afrikaanka ah laga dul qaado reeryada gumaystayaahsa cadaanka ah ee is soo bahestay. Halgan dheer kadib waxay goolkii xorriyada shabaqa galiyeen 1994, taasoo kadhigan inay 82 sano ku qaadatay marxaladii halganku.

Ururka EPLF iyo hadafkiisii- Eriteria

Dalka Eriteria wuxuu ahaa dal madax banaan oo iskii utaagan waloow ay dhici karto in loo deganaa qaab qowmi ah oon calan laheyn. Waxaa ku dul habsaday balaayo daad,xoor ah oo intaasoo af ku kala hadlaysa sidaas ayayna dalkii ku qabsadeen! Ururka EPLF ayaa dhidibada loo taagay 1970, hadafkuna wuxuu ahaa in balaayada kusoo duushay la iska dul qaado. Dagaalo waawayn oo jabhadayn ah ayay lagaleen taliskii Mangiste afkayna ciida udareen. Waxay iyaguna goolkii xorriyada shabaqa galiyeen 1991. Mudadii halganaka xorriyad,doonku wuxuu sidaa ku qaatay 20 sano.

Ururka SPLA hadafkiisii- South Sudan

Ururka SPLA ee koonfurta Sudan waxaa la asaasay 1983, haduuna dulmi kajirin gobolkooda lama asaaaseen jabhad hubeysan. Waxay ubabac dhigeen dawladii Milatariga ee Sudaan iyagoo goolkii xorriyadda habaqa galiyay 2005. Waxay noqoneysaa inay shaqadaasi ku qaadatay 22 sano.

Maxaa ONLF udiidaya Goolka xorriyadda?-

Marka hore waxaan Ururadaas usoo qaatay inay bulshadu ku baraarugto qadiyadaha Africa ee u dambeeyay iyo sida ay uga midho dhaliyeen halgamadoodii. Dariiqaasi waa mid furan cid kasta oo qaadaana hadfkeeda way gaadheysaa. Ururwaynaha ONLF wax cusub lama imanin ee bal horta taa qabsada.

Inkasta oo Ururku dhanka hadafka kala simanyahay kuwaan soo sheegay hadana waxaa jira qodobo uu kaga horeeyo ururadaas ee hoos kala socda-

Waxaan caalamka ka qarsoonayn oy cid waliba ogtahay in xubnaha ururku ilaahay usujuudaan, una rukuucaan, sidoo kalana ay baryaan.
Ururka si wayn ayaa caalamka looga aqoonsanyahay taasna waxaa fududeeyay inuu leeyahay in kabadan 50 saldhig ama xafiisyo oo halgameed.

Ururku wuxuu leeyahay aqoonyahano aad u badan oo ku kala hadlaya luqado kala duwan isla markaana daadsan daafaha dunida.
Ururka wuxuu rabi ku maneystay madax daacad ah oo ka run sheega halganka, isla markaana geesiyaal ah.

Hadii intaas oo dhan oon Afrikaanka kale nasiib uhelin la heysto maxaa diidaya in ONLF ay goolka xorriyada shabaqa ku ridaan maalin maalmaha kamid ah! Majiraan wax diidaya oo waxaaba laga qiray xarumaha UNta iyo kuwa xuquuqul-insaanka. Waxaa kale oo qiraya aqoonyahanka caalamka iyo waliba guumaystayaashii reer yurub. Dhamaan waxaa la isku raacsanyahay in ONLF gar uleedahay inay dadkooda iyo dalkooda Ogadenya xorriyad gaadhsiiyaan.

Isku soo wada duuboo xikmada qoraalku waa adkeysi iyo in lagu xisaabtamo in lamarayo marxado kala duwan sida Afrikaankii kalaba umareen.

Midnimo, Mintid iyo Isku tashi- Waa Erayada halkudhiga halganka Onlf ee Dahabiga ah .

GUUL & GOBANIMO & ALLAAHU AKBAR!

Xaaji M/rashiid Aw Macalim

Qoraa madax banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay