waxaa kulan muhiima isugu yimaaday Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Maraykanka faraca Seatle Washington shirka ayaa wuxuu ahaa shirkani wuxuu kamid ahaa shirarkii Midnimada umada soomaaliyeed ee lagu qabtay daafaha caalamka shirka ayaa waxaa lagu furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah waxaana soo jeediyay Fadiilatu Sheekh Hussein wuxuuna sheekhu xooga saaray ahmiyada ay midnimadu u lee dahay shacabka xiligan lagu jiro waxaa kale oo uu sheekhu ka hadlay alle ka cabsiga.

shirka ayaa waxaa qudbad ka jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya ee Seatle Mudane Mohamed Deeq asagoo si fiican u qaadaa dhigay in maanta tahay maalintii la sugaayay loona baahan in shacabka soomaaliyeed ee gumaysiga ku hoos jira uu muujiyo Soomaalinimo.

waxaa kale kamid ahaa xubnihii shirka ka hadlay qaar kamida ururka dhalinyarada OYSU oo ay kamid tahay halganto Samira Arten, waxaa kale shirka ka hadlay Aqoon yahan Hamse Warfaa oo kamida Aqoon yahanada soomaaliyeed oo marti ku ahaa shirka kaasoo ka imaaday Minneapolis Minisota.

shirka ayaa gaba gabadii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in lasii laban laabo halganka Ay JWXO hormuudka u tahay inagoo ku midoobayna sidii aan gumaysiga isaga xorayn lahayn

ONA/Seatle.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay