Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa xidhay in ka badan 1200 oo qof kadib markii bishan ay rabshado ka qarxeen gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee AddisvAbaba, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Booliska, taasi oo saddex mar ka badan tirada markii hore la qiyaasayey.

Madaxa booliska caasimadda, Degfie Bedi ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay yihiin 28 qof, isaga oo wax ku daray lambarkii hore oo ahaa 23
“Dadkaas badankood waxaa la garaacay ilaa ay ka dhintaan, todoba ka mid ahna waxaa dilay ciidamada ammaanka” ayuu Degfie u sheegay weriyayaasha.

Rabshadaha oo dhacay 12-kii ilaa 17-kii September, oo ay ku jireen kuwa lala beegsaday dadka laga tirada badan yahay ee ku dhex nool qowmiyadda Oromada ee degan duleedka Addis-Ababa, ayaa dhaawac gaadhsiiyey dadaalada dib u heshiisiineed ee Ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee dalkaas Abiy Axmed.

Rabshdaha ayaa billaabmay maalintii la qabanayey dibadbax lagu soo dhoweynayey hogaamiyayaasha dibad jooga ah ee jabhadda Oromada ee OLF, oo dagaal socda afartan sano ka waday dalkaas, ayaga oo doonaya maamul ay hesho qowmiyadda ugu badan dalkaas ee Oromada.

“1204 qof ayaa xabsiga ku jira hase yeeshee waxaa hadda la dhaqan celinayaa waqti kooban” ayuu yiri madaxa Booliiska Degfie, oo intaas ku daray in dadka la xidhay ay ku jiraan kuwa lagu tuhmayo qabashada dibadbax sharci-darro ah, burcadnimo iyo dambiyo kale.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay