Wareysigii uu Safiirka dalka Boqortooyada Ingriiska ee fadhigiisu yahay magaalada Addisababa uu siiyay saxaafadda ayaa meela badan nalaga soo weydiiyay ka dib markii ay saxaafadda gumaysiga iyo gumaysi kalkaalkii ku badhxeen beentoodii iyo dacaayadihii ay waligoodba jeclaayeen.

Ugu horeyn waxaa fiican inuu qofka arimahaa ka hadlaya fahamsan yahay macnaha diblomaasiyadda iyo safiirka dal jooga muhimadiisa waxa ay tahay iyo waxyaabaha uu ka hadli karo iyo waxa aanu ka hadli Karin. Muhiimadda 1aad ee safiirka laga doonayo waa inuu ka shaqeeyo wax kastoo horumarinaya xidhiidhka ka dhexeeya dalkiisa iyo dalka uu joogo. Sidaa darted, xataa hadii war aan loo bogin ay wasaaradda arimaha dibadda ee dalkiisa uu ka soo boxo, safiirka waajibka saran waa inuu sharaxaad ka duwan ka bixiyaa oo isku dayaa inuusan xidhiidhkii labada dal wax u dhimin. Arimaha laga doonayo inuu iska ilaaliyo safiirka dal jooga waa inuu wax u muuqan kara faragalin siyaasadda arimaha gudaha ee dalkaasi uu wax ka sheego, gaar ahaan marka ay jiraan mucaarad xoogan oo ku kacsan xukuumadda dalkaas waa inuusan u muuqan mid taageeraya mucaaradka. Hawsha diblomaasiyiinta arimahaa ayaa ugu horeeya.

Dawladda Ingriiska taariikhda dalka Ogadenya aad ayay u ogsoontahay waxayna ahayd dawladii gacanta ka galisay dalkeena Itobiya. Waxaan ogsoonahay in boqor Xayle Salaase markii uu Ingriiska damcay inay umadda Somaliyeed hal dal isugu geeyaan 1954-56 inuu la kaashaday sidii Ogadenya loogu soo celin lahaa gacantiisa dalalka Mareykanka iyo Midowga Sofyeeti oo ahaa taxaalufkii ku guulaystay dagaalkii 2aad ee aduunka uguna xooga badnaa waqtigaa. Inta aynu ogsoonahay waxaa ka badan intaanan ogayn ee ku kaydsan Library-yada arimaha dibadda Ingriiska. Sidaa darted, bqoqortooyada Ingriiska qofna ugama sheekeynayo xaqnimada qadiyadda shacabka Ogadenya.

Hadaan intaa uga gudubno su’aalaha la weydiiyay safiirka waxay ka tarjumayeen culayska Itobiya ka haysta Ogadenya, jawaabaha uu ka bixiyayna waxay ahaayeen qaar uu si diblomaasi ah uga jawaabay isagoo aad u xeerinaya dalka uu joogo iyo masuuliyadiisa safiirnimo. Wuxuu isku dayay inuu usha dhexda ka qabsado sidii lagu yaqiinay diblomaasiyiinta.

Dhibaatada ugu weyn ee haysata Itobiya maanta waa dagaalka gobanimadoon ee jabhadda ONLF ay ka wado Ogadenya taasoo uu ku tilmaamay KT Zinawi sida ay qortay Wikkileaks middii burburin lahayd xukuumadda TPLF hadaan wax laga qaban. Sidaa darted safiirka UK u fadhiya Adisababa su’aashii laga weydiiyay arintaa ee ahayd;

Su’aal: Xaalada gobolka Ogaden matahay mid walwal badan kuhaysa dowlada UK? Wuxuu kaga jawaabay;

– Waanu ka walwalsanahay meel kastoo Geeska Afrika ah oo ay kajirto nooc kastoo amni dara ah.Geeska Africa waa meel aan xasiloonayn. Ethiopia wadan ahaan malaha waa wadanka kaliya ay kajirto xasilooni ilaa heer, wax kasta oo carqaladeeya xasiloonida Ethiopia xaqiiqdii waa arin aad khatarteeda u leh. (tarjumaadan waxaan ka soo xiganay dhanaan.)

Wuxuu halkaa ka muujiyay safiirka inay Ogadenya ka jirto xasilooni darro, isagoo sii dabadhigay;

–       Ururka ONLF ee gobolka Ogaden waa koox dooneysa inay Ethiopia ka go’aan waanu cambaareynaynaa falalkooda argagixisnimada, inkastoo iyaga iyo kuwa kale ay diyaar u yihiin inay la xaajoodaan dowlada Ethiopia, waana arin soo dhaweyn mudan.Waxaa jiri doono ama jiri lahaa wadaxaajood badan hadii bulshadan dimuqraadiyadeedu waxogaa intan ka sareyn lahayd.

Jawaabtaa oo ah midda ay gumaysi kalkaalka aadka u buunbuuniyeen wuxuu safiirka ku qiray arima badan. ONLF inay doonayso in Itobiya ay ka go’do (ka xorowdo), arintaasoo aanu waxba ka odhan. Wuxuu cambaareeyay argagixisada uu yidhi ONLF ayaa ka wada Ogadenya oo ah odhaahda ay doonayso Itobiya in la maqashiiyo isagoo ku ladhay inay ONLF diyaar u tahay wadahadal inay la gasho Itobiya taasoo uu soo dhaweeyay, isagoo waliba sheegay inay Dimoqraadiyad xoogan hadday ka jiri lahayd Itobiya uu wadahadalku socon lahaa.

Sheegashada Itobiya ama xataa dawlad kale kama dhigayso ONLF urur argagixisanimo ku shaqeeya, sababtoo ah Itobiya ayadaa joojisay guddigii Qaramada Midoobay ee loogu talagalay xaqiiqa raadinta xadgudubka xuquuqda aadanaha ee ka socda Ogadenya. Halkaa ayaana lagu ogaan lahaa ciidanka dhibaataynaya dadka shacabka ah. Sidoo kale Itobiya waxay diiday oy ka mamnuucday Ogadenya inay tagaan saxaafada caalamka iyo ururada samafalka ah, taasoo uu sheegay MW ururka ICRC ee Laanqayrta cas inuu ka quustay markuu ugu tagay RW Zinawi. Arimahaasoo idil waxay caalamka u muujisay inay Itobiya qarinayso tacadiyada xad-dhaafka ah ey ka wado Ogadenya. Intaa waxaa dheer shacabka S.Ogadenya waxay u ogyihiin dhab ahaan cidda ka dambaysa dhibaatada lagu hayo shacabka u halgamaya inuu xor ku ahaado dalkiisa hooyo.

Isku soo duub, wuxuu safiirka xooga saaray in dawladiisa ay ka walwalsan tahay xasilooni darida ka jirta guud ahaan gobolka GA, gaar ahaan Ogadenya, isagoo hoosta ka xariiqay inay haboontahay in wadahadal dhab ah ay dawladda Itobiya la gasho ururka ONLF isagoo muujiyay inay arintaa soo dhaweynayaan.

ONA.

 
 

3 Comments

  1. Sharif says:

    Well translated thanks brothers

  2. wiiljwxo says:

    si wanaagsan ayaad u soo diyaariseen, mahadsanidin,
    reer ogaadeeniya halgan ayay ku jiraan, muranna ma danaynhayaan.
    ninkii hadlayaaba ha iska hadlee horay ayaanu u soconhaynaa………..

  3. dulmane says:

    asc aad baad umahadsantihiin bahda qorta website, ilaahay haydinka amaal mariyo shaqada aad uhaysaan umadeena iyo wadankeena ogadenia, inta badan website yada guumaysigu waxay jecalyihiin in arkaan wax halgan ogadenia wax udhemaya, taasi waxaa leenahay ogadenia way xoroobiye(موتو بغيظكم

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay