Waxaan Qoraalkan kooban kusoo koobaynaa awooda qarsoon ee qowmiyada Oromadu adeegsanayso.

Waxaad moodaa in ay Xoog ku maquuniyaan qowmiyadaha kale iyagoo adeegsanaya Awood xad dhaaf ah. Waxaa wali Soomaalida u kala Goosha gaadidka dadwaynaha iyo midka ganacsiga oo si xora uga shaqaysta Deeganka Soomalid, balse Soomalida Gaadiidkeeda Taarikada (SM) wataa magallada Babile ma dhaafi karo.

Sidoo kale ganacsiga Jaadka iyo khudaarta ayaa wali si caadiya uga shaqaysta Soomalida dhex-deeda, Waxaana Bishii lagu qiyaasaa inay ka helaan ilaa Afar Bilyan oo lacagta Itoobiyanka (4Billion Ethiopian Birr). Waxay sidoo kale si nabad galyo ah ugu dhoofiyaan maciishadooda wadamada dariska ee : Somalia iyo Jabuuti, waxayna sii dhex maraan Magalooyin badan oo deeganka Soomalida.

Ku darsoo Somalidu waxay Maraan Hawada (Diyaarado), marka ay dani kasoo gasho Caasimada Addis-Ababa Ee Dalka, waxay ku qaatadaa maalmo maadama diyaaraduhu buux dhaafiyaan, Waxay bixiyaan ilaa 3400 birr, halka hadii dhulka maraan bixin lahaayeen 700 birr.

Ku darsoo Basaska Soomalidu matagaan Magaaloyinka Oromia, balse waxaa ka shaqeysta Gaadiid Taarikada Oromada(Or) wata. Waxay Dadka oromada udhashay ka shaqaystaan ganacsiga iyo Xafiisyada dawlada deegaanka somaalida si nabada, Balse Soomalidu dhuumalaysi ayay ku jiraan.

HADABA WAA SU-AALE OROMADA SOMALIDA BISHII 12 BILYAN KA HESHA, SOOMALIDU INAY DHEX MARI WAYDO MAXAA SABABAY???

W/Q:- Macalinka Soomaliyeed(MS)

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay