Khasaaraha ka dhashay hirarkii Tsunamiga ee Jimcihii lasoo dhaafay ku dhuftay jasiirada Sulawesi ee ku taala badhtamaha wadanka Indonesia.

Tirada dhimashada ee illaa iyo hada la xaqiijiyey ayaa ku dhaw 1000 kun qof, balse waxaa la filayaa in tiradaasi ay sii korodho iyadoo in badan oo kamid ah deegaanada uu burburka soo gaadhay aan weli la gaadhsiinin gurmadka deg deg ah.

Ciidamada gurmadka ayaa wajahaya caqabado badan maadaama ay burbureen wadooyinka iyo buundooyinka isku xidhi jiray jasiiradaha deegaanka ay musiibada ka dhacday. Dad badan ayaa la rumeysan yahay inay weli ku xaniban yihiin guryaha uu burburiyey dhulgariirka sababta u ahaa Tsunamiga oo lagu qiyaasay cabirkiisa 7.5.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa Axadii gaadhay jasiirada Sulawesi si uu u kormeero khasaaraha, wuxuuna booqday magaalada Palu oo ah magaalada ugu weyn jasiiradaasi  kana mid ah goobaha ay qaadeen hirarkii Tsunamiga.

Baaxada burburka ka dhashay Tsunamiga ayaa ah kii weynaa tan iyo sanadkii 2004, xiligaasi dhulgariir awoodiisa ahayd 9.1 uu keenay hirarka biyaha badda Tsunamiga oo gaaray wadamo badan illaa iyo xeebaha bariga dalka Soomaaliya oo ay khasaaro kasoo gaadheen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay