Madaxweynihii hore ee Koonfurta Kuuriya Lee Myung-bak ayaa 15 sano oo xadhiga ah lagu xukumay kadib markii lagu helay musuq-maasuq.

Mr. Lee ayaa waxaa jimcihii lagu xukumay maxkamad ku taalla magaalada Seoul, waxaana sidoo kale la amray in uu bixiyo lacag ganaax ah oo gaadhaysa ilaa 11.5 milyan oo doolar.

Madaxweynihii hore ayaa ku doodaya in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadeysan. Waa madaxweynihii 4aad ee Koonfurta Kuuriya oo xabsi lagu xukumo. Mr. Lee ayaan soo xaadirin maxkamadda markii uu xukunkiisu dhacayay, sababo la xidhiidha caafimaadkiisa darteed.

Park Geun-hye oo isagana horay madaxweyne uga soo ahaa ahaa dalkaasi Kuuriyada Koonfureed waxaa horay looga xukumay 33 sano oo xadhig ah . Mr. Lee xilliga ay maxkamaddu xukunka ku rideysay maxkamadda wuxuu uga maqnaa xaalad caafimaad darro oo la soo deristay.

Garsooraha maxkamadda ayaa wuxuu sheegay in xukunkan la adkeeyay inay sababtay dacwadda Lee lagu soo oogay oo ah mid aad u culus.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay