Wararka nagasoo gaadhaya Gobolka Bali ee dhulka Oromia ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya dagaal xoogan oo halkaas kadhacay.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalkan ayaa udhaxeeya dadka shacabka ah ee Deegaanka iyo ciidanka Mulatariga Itoobiya.

Dagaalka ayaa lasheegayaa in uu bilowday kadib markii ciidanka mulatarigu isku dayeen in ay dagaan dhul kuyaala gobolka, kaas oo dano gaar ah ay kalahaayeen. Dadka shacabka ah ee Deegaanka ayaa diiday boobka ay ciidamadu dhulka kuhayaan waxaana lasheegayaa in uu halkaas kadhacay dagaal xoogan.

Ilo wareedyo kusugan Gobolka Bali ayaa sheegaya in ay dhinteen 6 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah halka 15 kalana ay kudhaawacmeen. Warka ayaa intaas kudaraya in deegaanka uu dagaalku kadhacay ay kataagantahay saansaan colaadeed lagana yaabo in mar kale uu dhaco dagaal xoogan.

Majiro wax dhex dhexaadin ah oo ilaa iyo hada la arko waxaana la arkayaa dadka shacabka ah oo is abaabulaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay