Waxaa hada magaalada Goday ee xarunta Gobolka Shabeelle si habsami leh uga socda shir balaadhan oo shacabka magaalada Goday iyo madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia udhaxeeya.

Waxaa hada badhtamaha magaalada Goday kasocda khudbado taariikhi ah oo madaxda JWXO ay ka horjeedinayaan shacabka geesiga ah ee magaalada Goday kudhaqan, kuwaas oo mudo dheer u oomanaan aragtida JWXO.

Madaxda JWXO ayaa indhawaalaba socdaalkii Midnimo labaxay ku kala bixinayay Gobolo iyo Dagmooyin Ogadenia kamid ah, waxayna madaxdu lahadlayeen dadwayne kumanaan ah oo aad ugu jeel qaba lahadalkooda.

Madaxda JWXO oo aad utiro badan ayaa maalintii shalay ahayd soogaadhay magaalada Goday, waxayna maanta hool wayn kula hadlayaan shacabka magaalada Goday.

Isha kuhay dhamaadka kulankan taariikhiga ah iyo sawiro dheeraad ah insha Allaah.

ONA Goday.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay