Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gambella ee xarunta Gobolka Gambella ayaa sheegaya kala shaki wayn oo durba sookala dhex galay ciidamada talada Gobolka lagu wareejiyay iyo dadka shacabka ah

sida xogta aan kuhelayno ciidanka ay maamulaan gudiga Comond Post ga ee talada Gobolka lagu wareejiyay ayaa qabtay dhakhtar udhashay Wadanka Maraykanka iyo 4 muwaadin oo kasoo jeeda qoomiyada Gambella.

Ninka Maraykanka ah ayaa lasheegay in uu ahaa dhakhtar cilmi nafsiga kutakhakhusay oo in mudo ah kashaqaynayay Dalka gaar ahaan Gobolka Gambella, waxaana lasoo warinayaa in isaga iyo shaqaalihiisiiba la qafaashay.

Ciidanka ka amar qaata gudiga Comond Post ga ayaa shalay lawareegay talada Gobolka Gambella, waxayna durba bilaabeen dhibaatooyinkii laga cabsi qabay.

Shacabka Gambella ayaa aad uga soo horjeedsaday xukunka dagdaga ah ee Gobolka lagaliyay iyo dhibaatooyinka lala maagan yahay Gobolka, waxayna shacabku sheegeen in aysan aqbali dnin gacan dheerarka dhinaca dowlada dhexe kaga imaanaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay