Itoobiya oo sheegtay in haday Jabhada OLF hubka dhigi waydo ay dowladu qasab kaga dhigi doonto.

War kasoo baxay xukuumada Itoobiya ayaa lagu sheegay in ururka OLF markuu Itoobiya soo galayay uu ciidankiisii hubka kasoo dhigay lkn kuwii gudaha joogay ay Wali hubaysan yihiin uguna baaqayso inay hubka dhigaan.

Taliska Itoobiya ayaa intaas kudaray in hadii ay Jabhad OLFhubka dhigis ku samayn waydo ciidamadeeda ay dowladu  iyadoo sharciga iyo amaanka shacabka ilaalin haysa qasab si xoog ah Jabhada hubka dhigis ugu samayn doonto.

Gudoomiyaha Jabhada OLF daaud ibsa ayaa maalin siihoraysay sheegay inayna jabahadu hubka dhigi doonin heshiiskii iyaga iyo  dowlada dhaxmarayna kamid hayn arimaha hubka dhigista.

Arinta hubka dhigista Jabhadii hubaysnaa ee Itoobiya soogalay ayaa waxaa kataagan khilaaf wayn waxaana muuqata in aad loogu kalal fogyahay.

Taliska Itoobiya ayaa kudoodaya in dowlada oo Kali ahi wadanka hub ku dhexwadan karto, halka jahaduhu leeyahiin hubka dhigis hadaan iska dhigno yaa damaanad qaadaya in dowlada ayna awood adeegsan doonin sidii looga bartayna ayna mucaaradka qori kumuquunin doonin.

Lama oga meesha waxkudayn balse ururada hubaysan iyo xukumada Abiye Ahmed ayaa aad ugu kala fog arimaha hubka dhigista.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay