Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Harar ee xarunta Ismaamulka Herarida ayaa sheegaya dhibaatooyin badan oo dadka shacabka ah soo food saaray.

Sida xogta aan kuhelayno dadwaynaha kudhaqan magaalada Harar ayaa kacabanaya biyo la’aan baahsan oo todobaadadan haysatay dadka shacabka ah, waxaana lasoo warinayaa in ay arintu hada marayso meel halis ah.

Dadka shacabka ah ee Herarida oo cabashadooda muujinaya ayaa isugu soobaxay wadooyinka iyo xafiisyada arimahaas ku shuqul leh, waxayna dowlada kacodsadeen in biyo la’aanta jirta waxka qabtaan.

Dadka Herarida ayaa sheegta in ay dulmi xoogan kuqabaan maamulada Itoobiya soomara, waxayna sheegaan in aad loocadaadiyo loona gacan bidixeeyo.

Maamulka cusub ee Abiye Axmed uu hogaaminayo ayaa lasheegayaa in aysan waxba kabadalin dhibaatooyinkii haystay shacabka kudhaqan magaalada Harar, kuwaas oo dhinaca amaankana kacabta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay