Xoghayaha Arimaha Dibadda ee UK Jeremy Hunt ayaa ugu baaqay boqortooyada Sucuudiga in ay jawaab cad ka bixiso maqnaashaha saxafiga lagu magacaabo Jamal Khashoggi.

Wariyahaan ayaa markii ugu dambeysay la arkay xilli uu booqasho ku tagay qunsuliyada Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul todobaadkii la soo dhaafay.

Dhanka kale dowlada Sacuudiga ayaa si adag u beenisay in wariyahan uu gacantooda ku jiro.

Wada hadal dhanka taleefanka ku dhexmaray Wasiirka Arimaha Dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir, iyo dhigiisa dalka Uk Jeremy Hunt ayaa Sacuudiga looga digay in nolosha iyo badqabka Jamal ay ku xidhnaan doonto xidhiidhka labada dowladood.

Hunt ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray kadib kulan uu la qaatay safiirka Sacuudiga u fadhiya magaalada London Mohammed bin Nawwaf bin Abdulaziz, talaadadii shalay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay