Koox senataro Mareykan ah ayaa ku cadaadinaya madaxweyne Donald Trump inuu baadhitaan ku sameeyo maqnaanshaha suxufiga Sacuudiga, taasi oo hogaamin karta cunaqabateyn la saaro saraakiisha iyo hay’adaha Sacuudiga.

Warqad ay madaxweyne Trump u direen arbacadii, ayaa senatarada waxa ay adeegsadeen xeerka Global Magnitsky Act ee la sameeyey sanaddii 2016, ayaga oo ku baaqay baaritaanka kiiska Jamal Khashoggi, oo aan la arag tan iyo markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, toddobaadkii tegay.

Madaxweynaha ayaa laga filayaa inuu senatka ugu soo jawaabo muddo 120 maalmood gudahood ah, isaga oo gaari doona go’aan la xidhiidha in lasoo rogo cunaqabateyn iyo in kale.

Aqalka cad ayaa sheegay arbacadii in xubno sare oo ka mid ah maamulka ay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman kala hadleen maqnaanshaha Jamal Khashoggi, kaasi oo saraakiisha Turkiga ay aaminsan yihiin in lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, toddobaadkii tegay.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay