Waxaan rabaa in aan idinla wadaago farqiga u dhaxeeya doorashadii hore ee Raiisal wasaare Abiye Ahmed ee uu helay 108 cod iyo tii danbe ee shirwaynihii 11 ee EPRDF ee uu helay 176 cod?

Sida aan ognahay tirada guud ee xubnaha G/dhe, ee EPRDF waa 180 waxayna ka yimaadeen oo kaliya afar qoomiyadood Midkastaa wuxuu leeyahay 45*4=180. Hadaba su’aaaha iswaydiinta mudan waa muxuu markii hore Abiye u helay tiro yar markii danbana u helay tiro badan? Markeese uu awoodbadanyahay?

Jawaab; Siyaasada gumaysiga iyo hogaaminteedu waxay u xidhinayd Amxaaro intii ka horaysay 1991 markaas ayay ku soo biireen Tigraygu fagaaraha hogaaminta siyaasada Itoobiya, hadana waxaa si toos ah loogu ogolaaday in ay Oromo ka mid noqoto kuwa wax ka go’aamindoona mustaqbalka siyaasada Itoobiya, waxaana kuu cadayn kara 45 xubnood ee TPLF Dr. Abiye, ayay ugu shubeen halka markii hore ay diideen sababtoo ah ma ayna rabin in ay OROMO ka mid noqoto ama qaadato NR A.

Siyaasadu waa sidaas marka lagu joojin waayo ee awoodaada la arko qasab ayaa waxaaga laguugu ogolaan sida OROMADA, oo kale. Hadaba mar hadii ay sadexda dhar-dhaar ee Itoobiya xukunkeeda isasiiyay is aqoonsadeen jalaafooyin iyo hoos katuuro badan haba isu dhigeene, maxay heshiis ku yihiin ama ku noqon karaan?

Sida muuqata waxay heshiis ku noqon doonaan in ay shucuubta kale khayraadkooda boobaan si wadajir ahna u cadaadiyaan iyaguna kala badbaadaan waxaana ugu horayn doona sida aan filayo shacabka loo heshiinayo ee la rabo in khayraadkiisa iyo dhulkiisa la boobo uu yahay shabcabkeena Soomaalida Ogadenya.

Halka aynu inagiina ku mashquulsanahay reer hebel jago ma helin iyo gabadhbaa calanka ONLF diric ka tolatay iwm? Waxaad ogaataan in aan shirqoolada faraha badan ee la inoodhigayo kaga badbaadi karo oo kaliya midnimo isku duubni iyo in aan dhinac iska dhigno khilaafaadka yar yar ee dhexdeena ah.

Guusha gobanimo doonkaaleh.

W/Q: Cabdulaahi Ileeye

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay