Ururka midowga dhalinyarada iyo ardayda Ogadenia ee wadanka Canada kulan ay maanta isugu yimaadeen magaalada Toronto ayaa lagu doortay maamulka cusub ee OYSU Canada ee 2018 – 2019.

Maamulkan ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaa kale oo shirka maanta laga magacaabay gudi abaabul oo loogu talagalay inay todobadkan shir balaadhan u qabtaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Canada.

Kulanka waxaa kale oo goob joog ka ahaa Ururka UHO xubno ka socday dhalinyarada kula dar daarmay inay kaalin tooda halgan ka soo baxaan.
OYSU- Canada ayaa la filayaa inay bilahan soo socda dib u soo ceshato kalintay ku lahayd halganka gobanimo doonka Ogadenia ka socda.

ONA/Toronto.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay