Taliyihii ciidanka Booliska ee gobolka Kandahar ee dalka Afqaanistaan ayaa ururka Talibaan toogasho ku dileen Gen. Cabdul Rizaaq ayaa loogu yeedhi jiray Taliyaha awooda badan, waxaana uu marar badan ka badbaadey weerar lagu dili lahaa.

Toogashadan ayaa ka dhacdey xili uu booqasho ku jogey gobolkaas taliyaha ciidanka Maraykanka ee Afqaanistaan Scott Miller, oo shir kula qaatey madaxa gobolka aqalka barasaabka gobolka Kandahar. Shirka ayaa ku saabsanaa arrimaha amniga ka hor doorashada baarlamaanka ee dhawaan dalkaas ka dhacaysa.

Kadib markii shirku dhamaadey ayey galeen foto dhamaantood intii shirka ka qaybqaadatey, waxaana rasaas ku furay mid kamid ah ilaalada Gen Cabdul Raziq.

General Cabdul Raziq ayaa lala diley guddoomiyihii gobolka Kandahar Zalmay Wesa iyo madaxii sirdoonka gobolka Abdul Mohmin, waxaana weerarkaas ku dhaawacmey saddex askeri oo Maraykan ah. Taliyaha ciidanka Maraykanka Scott Miller ayaa ka badbaadey weerarka.

Ururka Talibaan ayaa sheegtey weerarka lagu taliye saddexda sarkaal oo uu ku jiro ninkii ugu awooda badnaa gobolkaas Abdul Raziq, Talibaan ayaa sheegay in ninka waardiyaha ahaa uu ka tirsanaa ururka Talibaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay