Maraykanka ayaa isaga baxaya heshiiskii gantaalada balaastikada ee ridada dhexe ee xanbaara Nukliyeerka (Intermediate-Range Nuclear Forces Treaty) ee ay kula jireen dalka Ruushka.

Wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegtey in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu yiri Ruushku waxa uu ku xadgudbey heshiiskii ay galeen, waxaana ay hormarin iyo isbeddel ku sameeyeen hubkoodi.

Go’aanka Trump ayaa imaanaya iyada oo telefishanka CNN uu todobaadkan soo bandhigey isbeddel weyn oo Nukliyeerka Ruushka lagu sameeyey gobolka Kaliningrad ee aan xuduudka la lahayn Ruushka intiisa kale, una dhexeysa Lithuania iyo Poland.

Heshiiska INF waxaa kala saxixdey Madaxweynayaashii Maraykanka Ronald Reagan iyo Madaxweynihii Midowga Soofiyeetiga Mikhail Gorbachev sanadkii 1987, Gantaalada Balaastikada ah in aan dib loo sameyn lana hor marin ee lagu heshiiyey ayaa ridadoodu gaareysaa 500 – 5000km

Ka bixitaanka Maraykana ee heshiiska gantaalada riddada dhexe ayaa keeni kara tartan cusub oo dhanka hubka ah kaas oo caalamka khatar gelin kara.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay