Iilka iyo Xabaasha ma la isu Doorshaa??

“Waa sheeko ku salaysan qiso dhab u dhacday oo dhex-martay labo dhalinyaro ah”

Qore: Axmed Yaasiin Sh Ibraahim

14 Octobe, 2018

Siraad waa gabadh Ilaahay qurux iyo qiimo dadnimo u dhammaystiray, waxayna caan ka ahayd deegaankii ay ku noolayd. Gabdhaha da’deeda ahi waxay u tartami jireen ku dayashadeeda iyo inay mid waliba isku dherariso oo dadka isu tusto inay bidhaan iyo garashaba ku gaadhi karto Siraad. Ragga gayaankeeda ahna wuxuu mid waliba u suxul-duubi jiray inuu damaceeda buuxsho, daranyo jacayl la wadaago, darin kula seexdo oo dabadeedna ay diricyo u dhasho.

Siraad, aabaheed aad ayuu u jeclaa, wuxuuna mar kasta ku odhan jiray, aabo Ilaahayow ha I dilin anigoon mustaqbalkaaga nololeed meel ku tiirinin, hubsanina inaad ku nooshahay nolol farxadeed oo ka caaggan dhanqaryo laguu gaystiyo dayac ku gaadha.

Siraad, hooyadeed waxay dhimatay iyadoo lix-jir ah, aad ayayna u xusuusataa hooyadeed, mar kastoo ay qalbigeeda ku soo dhacdana ilmo ayna xakamayn karin ayaa indhaheeda ka soo burqata. Siraad waxay la nooshahay aabaheed oo aad u jecel, sidaas darteed waa qof aabaheed aad ugu xidhan, isla markaana aan aaminsanayn inay la’aantii noolaan karto.

Siraad waa gabadh laf iyo itaal Eebe u dhaliyay. Waxaa u weheliya qurux iyo qiimo dadnimo oo dheeri ah oo ay kaga duwan tahay gabdhaha kale ee dhulka ku nool, sidaas darteed waxaa ka daba-dhacay wiilasha deegaanka ku dhaqnaa oo dhan, waxaana mar kasta la arki jiray raxamo wiilal ah oo gurigooda ku gaaf-wareegaya.

In kastoo Siraad ayna da’deedu waynayn, hadda waxay si baraad la’aan ah ugu sibqatay badaha caashaqa, waxayna xidhiidh sheeko wadaag ah la yeelatay Sugulle, oo ah wiil dhalinyaro ah oo deegaanka ku nool, kaasoo ay Siraad kala dhex-baxday boqollaalkii wiil ee la sheekaysan jiray.

Siraad iyo Sugulle muddo dheer ayay wada-socdeen oo mowjadaha kalgacalka ku dhex-mushaaxayeen, wuxuuna xidhiidhkoodu gaadhay heer deegaanka oo dhan laga ogaado.

Siraad aabaheed, oo ahaa nin diinta iyo dhaqanka aad u qadariya, ayaa habaynkii dambe Siraad u yeedhay, wuxuuna u sheegay in haddii iyada iyo Sugulle ay isjecel yihiin uu doonayo inuu isu guuriyo, si ay reer u noqdaan.

Siraad iyo Sugulle ayaa la isu meheriyay, waxaana lagu ballamay inay si dhakhsa ah u aqal-galaan. Lammaanaha cusub iyo waalidiintoodba waxay guda-galeen hawshii aqal-galka, waxaana la diyaariyay agabkii loo baahnaa oo dhan iyo qaabkii hawsha loo agaasimi lahaa, iyadoo la qabtay ballanta xilligii hawsha aroosku dhici lahayd.

Iyadoo la isu diyaarinayo arooskii, asxaabta iyo ehelka oo dhamina ay sugi la’yihiin munaasabaddaas qaaliga ah, ayaa waxaa si kediso ah deeganka u yimid ciidammo Siraad raadinaya. Markiiba waxay yimaadeen xaafadda, waxayna si jujuub ah ku taxaabteen Siraad, iyadoo loo badinayo inay ku eedaynayaan inay tahay xaaska nin ka tirsan CWXO.

Siraad waxaa cid ugu dambaysay in habynkaas lala tegay, lamana garanayo meel la geeyay. In badan ayuu aabaheed isku dayay inuu ka war-helo meesha ay ku dambaysay, hase yeeshee raqdeeda iyo ruuxeeda midna ma aanuu helin. Sannado badan ayaa ka soo wareegay markii Siraad lala tegay, waxaana la gar-waaqsaday in la dilay.

Sugulle, in kastoo uu ahaa nin calool adayg iyo geesinimo ku caan-baxay, haddana wuxuu ku dhawaaday inuu qarracan u dhinto, waxaana ku adkaatay inuu naftiisa ku samirsiiyo dhibaatada la soo deristay. Wuxuu dareemay inay daaqadi bannaan tahay oo natiisu kala dhantaalan tahay. Wuxuu rumaystay in riyadiisii beenowday. Wuxuu niyada ka saari waayay jacalkii uu Siraad u qabay, iyo siduu ugu han-waynaa inay nolol raaxo leh wadaagaan. Waxaa maskaxdiisa mar walba ku soo noqnoqonayay erayadii Siraad ee ahaa inay kalgacalka u wadaagayaan sida caanaha loo wadaago. Wuxuu ka caagay inuu wax kale xusuusto. Waxaa maskaxdiisa si isdaba-joog ah u soo gaadhayay farriimo dareenkiisa calwinayay oo mar ka cadhaysiinayay, mar ka cabsiinayay, marna calool xumo ku beerayay, mar kalana ciil ku dhalinayay. Wuxuu inta badan ku celcelin jiray odhaahda ah; “walaalaha is-jecel wadka kala geeyow is-waaya waaxyahaygii”.

In ka badan toddoba sannadood ayaa ka soo wareegtay markii Siraad lala tegay. Muddadii intaas ka dambaysay waxaa is-beddalay arrimo badan, oo saamayn ku yeeshay waaqica siyaasadeed ee dalka ka jiray. Waxaa Itoobiya ka curtay nidaam siyaasadeed oo cusub, kaasoo horseeday furfurnaan siyaasadeed oo intii hore ka fiican. Waxaa la hakiyay dhibaatooyinkii iyo xadgudubyadii lagu hayay shacbiga Soomaalida Ogaadeenya. Waxaa xabsiyada ciqaabta laga sii daayay dad badan oo maxaabiis ah oo meelo kala duwan ku xidhnaa.

Dadkaas waxaa ka mid ah dad sidii loo soo qabtay aan wax war ah laga helin oo lagu hayay goob-ciqaabeedyo gaar ah. Maxaabiista noocan ah looma oggolayn inay cid la xidhiidhaan ama iyaga la soo booqdo. Waxaa lagu hayay goobo si gaar ah loo ilaaliyo, ehaladooda iyo qaraabadoodana looma oggolayn inay soo booqdaan ama ka warhelaan.

Siraad waxay ka mid ahayd maxaabiista goobaha gaarka ah lagu hayay, muddadaas toddobada sano ahna wax war ah lagama helin, iyaduna wax war ah kama ayna haynin ehelkeedii. Isma ayna lahayn dib ayaad ula kulmi doontaa ama nolol ayaad isku arki doontaan. Waxay ku ducaysan jirtay inay aakhiro ku rafiiqaan.

In kastoo ciqaab joogto ah la marin jiray, haddana marna ma ayna illoobin aabaheed iyo dhiggeedii ay nolosheeda u hibaysay. Iyadoo uu waqti dheer ka soo wareegay maalinkii iyada iyo Sugulle isugu dambaysay, haddana waxay si aan badhax ku jirin u xusuusataa ballantii ay maalinkaas ku kala tageen. Waxay xusuusataa eray kasta oo maalinkaas dhex-maray. Waxaa sidoo kale wali si cad ugu sawiran wajigiisii, iyo dhoolla-cadayntiisii kalgacalku ku dheenaayee uu ku sagootiyay.

Siraad waxaa si cad uga muuqda raadka dhibaatooyinkii xabsiga ka soo gaadhay, waxaana ku yaalla dhaawacyo waawayn oo sababay in ayna lixaadkeeda oo kaliya ku istaagi karin, balse ay u baahan yahay in garabka la qabto marka ay istaagayso ama ay wax cuskato.

Siraad, walow ay dhib badan iyo dayac soo martay, haddana waxay niyada ku haysay inay ka bogsoon doontoo marka ay la kulanto rafiiqeedii ay rag oo dhan ka dooratay. Waxay raadisay Sugulle, hase yeeshee warkiisa way wayday. Waxay ka war-doontay xarumihii ay markii ugu dambaysay kaga warhaysyay. Ugu dambayntii waxay heshay Mahad oo ay Sugulle saaxiibo isku dheer ahaayeen. Mahad wuu garan waayay gabadha la hadlaysa, wuxuuna u maleeyay inay ka mid tahay shacabka faraha badan ee aragga naftood hurayaasha u xiisay.

Markii ay dhawr mar ku soo noqnoqonaysay, ayay markii dambe toos u waydiisay oo ay tidhi; “walalow saw Mahad ma tihid?” Haa buu ugu jawaabay. Waxay tidhi, ma I garanaysaa? Isagoo ka qajilaya jawaabta, isla markaana dhoolla-cadaynaya, dhinacna ka murugaysayn, ayuu yidhi, maya!!!. Waana gartii oo Siraadii uu aqoon jiray ma aha. Waxay u egtahay qof kale. Cimrigeedu inuu intii hore aad uga wayn yahay ayaa la moodaa. Wajigeedu wuu rogan yahay oo nabarro ayaa qariyay. Caato ayay la il-daran tahay, oo waxaad mooddaa qof hadda cudur ka duudsaday. Tukube ay cuskato ayay wadataa oo waxaa cad inay tahay qof naafo ah.

Waxay tidhi, walaal waxaan ahay Siraad, waxaanan doonayay inaad Sugulle meel iigu sheegto.

Mar kaliya ayay xusuus qallafsani ku soo degtay, wuxuu ku hadlo ayuuna garan waayay. Siraad geeri buu ku tirinayay, Sugullana isagaaba isku duway markii ay naftu ka baxaysay. Wuxuu is arkay isagoo dhex-taagan Mayti is-raadsanaysa. Muddo ayayna ku qaadatay inuu dareenkiisa xakameeyo.

Mar kale ayuu Siraad jalleecay, hase yeeshee wuu arki waayay. Indhaha ayuu maraanmartay, wuxuuna ka raadiyay dhinicii ay ka taagnayd. Goor dambe ayuu arkay Siraad oo fadhida meel aan ka durugsanayn oo labadeeda dhaban ilmo ka qubanayso. Siraad waxay ahayd gabadh garasho iyo caqli Eebe ku mannaystay, waxayna markiiba dareenka Mahad ka akhrisatay, jawaabta uu siin doono.

Mahad qudhiisu wuxuu galay xaalad aan caadi ahayn, waxaana mar kaliya ku soo butaacay mawjado xusuuseed beddalay dareenkiisii oo mid-mid u dul-joojiyay waayihii kala duwanaayee uu saaxiibkii la soo qaatay, tan iyo markii ay carruurta ahaayeen. Wuxuu dib u milicsaday xilliyadii ay qolqollada reerka ku ciyaari jireen ee marar badan ay isku qabsan jireen cidda ciyaarta hoggaaminaysa. Wuxuu muraayada maskaxdiisa ka daalacday waqtiyadii ay gaashaan-qaadka noqdeenee ay gabdhaha deegaanka oo dhan dusha kala socdeen ee jadwalka noloshooda uu haasaawaha iyo ciyaar-gudku buuxiyay. Wuxuu dib u mililicay hawlihii halgan ee muddada dheer ay ku soo wadajireen iyo duruufihii kala duwanaa ee la soo dersay tan iyo daqiiqadii isugu dambaysay. Waxaa soo gujiyay oo dareenkiisa nugleeyay boholyowgii kalgacalee uu saaxiibkii u qabay iyo daaqadii ku bannaanaatay markii waqtigu kala kaxeeyay. Wuxuu dhab u dareemay laxawga Siraad haya iyo lalabihii Sugulle ku shidnaa ee ka dhashay jacaylkoodii la curdan dhadhiyay ee loo diiday inuu dareemayaashooda waraabiyo.

Mahad, isagoo mawjahaas dhex-mushaaxaya, ayuu soo ag-fadhiistay Siraad, oo wali indhaheeda ilmo ka qubanayso, hase yeeshee isku dayaysa inay Mahad ka qariso oo marba garba-saarteeda iskaga qallajinaysa. Mahad, oo nugayl iyo qalbi jileec badani ka muuqdo, ayaa hadalkiisii ku billaabay sidatan:

Siraadey walaal marka hore waan ka xumahay inaan ku garan waayo, sababtoo ah waqti hore ayaa isugu keen dambaysay. Markii iigu kaa dambaysay iyo haddana farqi wayn ayaa kuu dhexeeya. Waxaa intaas dheer iyadoo aanan marnaba filaynin inaan ku arkayo, sababtoo ah geeri ayaa lagugu tirinayay, qofna isma lahayn iyadoo socota ayaa la arki doonaa. Marka waa Ilaahay mahaddii kol haddaad nooshahay. Dhib kastoo ku soo maray waad ka soo waaqsan doontaa haddii Eebe idmo.

Walaal adduunyadu waa Giraan wareegaysa oo maalin walba waxaa kula soo gudboonaan xaalad ay u badan tahay inay ka duwanaato middii shalay ku soo martay. Wax walibana waxay ku socdaan qaddarka Eebe oo ma jirto cid kale oo Eebe la maamulaysa koonkan aynu ku noolnahay. Waxaad ogtahay in noole kasta oo dunida loo soo saaro uu maalin maalmaha ka mid ah haddana ka tegayo. Noole kasta wuxuu leeyahay cimri loogu talagalay oo uuna ka daba-mari karin.

Diinteenu waxay ina fartay inaan ku samirno qaddarka Eebe oon u hoggaansano maamulkiisa. Ilaahaygii adiga kaa soo badbaadiyay godkii lagugu tuuray, ayaa walaalkeen Sugullana la tegay, sidaas darteed waxaan kugula dardaarmayaa inaad go’aanka Eebe ku samirto. Waan ogahay xanuunka kuugu darmaday daranyadii horee laguu gaystay iyo sida aan lagaaga dawayn karin. Waa duruus kale oo noloshaada la soo deristay, waxaanad kaga gudbi kartaa oo kaliya inaad samir iyo dulqaad u yeelato.

Siraad, iyadoo si fiican u fahansan waanada iyo samarsiinta Mahad, waxay haddana dagaal adag kula jirtay dareemayaasheeda. Waxay isku dayaysay inay cabudhiso qaybaha nugaylka iyo laxawga xukuma ee maskaxdeeda, isla markaana ay kaga shaqaysiiso qaybaha adkaysiga iyo caabiga maamula. Iyadoo hardankaas iskula jirta oo hadalku dhib ku yahay ayay Mahad waydiisay goorta uu Sugulle dhintay iyo qaabkuu u dhintay.

Mahad ayaa si faahfaahsan ugu warramay Siraad, wuxuuna uga sheekeeyay hawlgalkii uu Sugulle ku dhintay iyo duruufihii ku meermeersanaa. Wuxuu uga xogwarramay sidii uu niyadda ugu hayay ee dareenkiisa ayna waligii uga bixin. Wuxuu u sheegay inuu aaminsanaa inay aakhiro ku kulmi doonaan oo wadaagi doonaan kalgacalkii adduunka lagaga af-qabtay. Wuxuu kaloo u sheegay in hadalkii ugu dambeeyay ee Sugulle uu ahaa inuu ku faraxsan yahay inuu kol dhaw Siraad la kulmi doono.

Siraad, oo wali ay indhaheeda ka da’ayso ilmo ay xakamayn kari wayday, codkeeduna uu marba marka ka dambaysa sii daciifayo, ayaa ku tiraabtay;

Iilka iyo Xaabasha ma la isu doorshaa

Aniga iiga durugoo adiguna Ifka ku noqoo

Ayaamo la soo joog ehelkaan lahayn,

Inankaan jeclaa miyaanan dib u arkaynin

Aqalkuu igu tabaayiyo aakhiro miyuu ii daba-maray

Aniguna ambadkii miyaan keli ilmeeyaa

Allahyow ajashaydu dhammaantoon ifka ka tegaa

Aakhirana aan ku kulanoon ooridiisa noqdaa.

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay