Saudi Arabia ayaa sheegtay in dhaxal-suge Maxamed Bin Salman uu Khadka taleefonka kula hadlay wiilka suxufiga la dilay ee Jamal Khashoggi, si uu uga tacsiyeeyo dilka aabihiis.

Khashoggi ayaa geeriyooday kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul dalka Turkiga, labadii October. Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu maanta oo talaado ah shaaca ka qaadi doono faah faahinta dilka Khashoggi, marka uu hortago baarlamanka.

Isaga oo Axaddii dadweyne kula hadlayey Istanbul, ayuu sheegay “waxaan raadineynaa caddeymo, waxaana shaaca ka qaadi doonnaa runta oo cad”.

Erdogan ayaa axaddii khadka Taleefonka kula hadlay madaxweyne Trump, waxaana sida ay warbaahinta dowladda Turkiga sheegtay ay isku raaceen in la caddeeyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran kiiska Khashoggi.

Saudi Arabia ayaa sheegtay in Khashoggi ay dileen 15 nin oo fallaago ah, islamarkaana xubnaha sare ee boqortooyada aysan waxba ka ogeyn. 18 qof ayaa loo xiray kiiskan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay