Dagaalo iyo shaqaaqooyin khasaare balaadhan gaystay ayaa laga soo sheegayaa deegaan ka tirsan Gobolka Tigrey oo ay Axmaaradu degan yihiin.

Wararku waxay sheegayaan in xiisad xulus ay ka taagan tahay deegaanada lagu magacaabo Alemata iyo Raya oo lagu murunsan yahay kuwaas oo dhaca xadka ay wadaagaan Axmaarada iyo Tigrey. Deegaanadan oo ay Tigreygu lahaanshihiisa sheeganayaan ayaa waxaa ku dhaqan shacab asal ahaan kasoo jeeda Axmaarada.

Warkan ayaa intaas ku daraya in ugu yaraan ay 11 qof ku dhinteen dagaaladan u dhexeeya labada qawmiyadood. Sidoo kale dhaawaca ayaa la sheegayaa in uu gaadhay 80 qof. Waxaa kale oo ay booliska Tigrey gu qafaasheen 120 qof dhalinyaro u badan.

Dhinaca kale waxay sheegayaan ku xeeldheereyaal ka faalooday arimaha Itoobiya in xiisadan kasoo cusboonaatay deegaanadan Alemata iyo Raya ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo ururo kala duwan oo dano aan la ogayn ka raadinaya inay ka gaadhaan. Dawlada dhexe laftigeeda ayaa la aaminsan yahay in ay si dadban dagaalkan u hurunayso.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay