Diyaarada oo ay leedahay shirkada Lion Air ayaa soo dhacday daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoon ku yaala magaalada caasimada dalka Indonesia ee Jakarta.

Diyaaradan oo nooceeda yahay Boeing-737 ayaa kusii jeeday jasiirada Sumatra ayaa la sheegay inay cilad ku timid 13 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay, illaa iyo hadana lama yaqaan waxa sababay shilkan, khasaaraha balaadhan gaystay oo galaaftay 189 qof oo iskugu jiray rakaabkii diyaarada iyo shaqaalihii.

Burburka diyaaradan ayaa laga helay bada Java ee waqooyiga Jakarta iyadoo aan weli la heyn meydka rakaabkii diyaaradaasi saarnaa, waxaana weli socda gurmadka iyo baadi-goobka diyaaradaasi burburtay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay