Wararka maanta oo Arbaca ah kasoo baxaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday Shaqaalaha Xabsiga ugu weyn dalkaasi ee ku yaala caasimada dalka ee Kabul.

Ugu yaraan 7 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen qaraxan lala beegsaday gaadhi bas ah oo siday shaqaalaha ka shaqeeya xabsiga ugu weyn ee dowlada Afqanistan. Xabsigan lagu magacaabo Pul-e-Charki ayaa ku yaala duleedka magaalada caasimada ah ee Kabul. Waxaa xabsigan ku xidhan maxaabiis aad u tiro badan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalmo yar uun kadib markii weerar noocaan oo kale ah oo ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta Guddiga Doorashada ee dalkaasi. Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey weeraro badan ka dhaceen dalkaasi Afghanistan oo ay todobaad kahor ka dhacday doorashada guud.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay