Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wakiilka Jabhada Wadaniga Ogaadeeniya (JWXO)
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wakiilka Jabhada Wadaniga Ogaadeeniya (JWXO) uqaabilsan waqooyiga America (North America) Mudane Axmed Majeerteen ayaa xalay soo gabagabeeyay howlgal abaabul oo ay kawadeen gobolka Texas ee cariga maraykanka. Ujeedada socdaalka waftiga ayaa ahayd in ay kormeer guud kusameeyaan howlaha jaaliyada ee gobolka iyo in ay warbixin buurda ka siiyaa xaalada uu haatan kusuganyahay dalka Ogaadeeniya iyaga oo dhinacakale uga digayey jaaliyada gobolka in ay ka digtoonaadaan dibindaabyada uu cadow maleegayo ee kuwajahan qurba joogta soomaalida Ogaadeeniya. Xubhana waftiga ayaa kala ahaa sida tan.
- Mudane Axmed Majeerteen Wakiilka Jabhada ee waqoogiya America
- Mudane Axmed Cali Yusuf Isku xidhaha Jaaliyadaha Ogaadeeniya ee gobolada
- West Coast Mudane Cumar Maxamed Aaden godoomiyhii hore ee gobalka Minneasota
- Mudane Farxaan Axmed gudoomiyaha Ururka dhalinyarada ee gobolka Minneasota Iyo
- Cabdisalan oo ka socda warbaahinta Ogaadeeniya
Waftigan ayaa waxay maalintii sabtida ahayd shir balaadhan kuqabteen magaalada Dallas ee gobolka Texas halkaas oo ay kula shireen jaaliyada Ogaadeeniya ee kunool magaalada Dallas iyo nawaaxigeeda oo iyadu ayaamahanba ku jirtay abaabul xoogan sidii ay u soodhowayn lahayd waftigan kasookicitimay maagalad Minneapolis ee gobolka Minneasota. Hadaba jaaliyada Ogaadeeniya faraca Dallas ayaa balanqaaday in ay labanlaabayaan taageerada ay u hayaan halganka ay hormuudka katahay Jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeeniya ee lagu raadinayo xaqa aayo katashiga shacabka somalida Ogadeniya.
Xubnihii waftiga ayaa isla galabnimadii sabtida ahayd markuu shirkii faraca Dallas u dhamaaday waxay u boqooleen dhankaas iyo magaalada Amarillo ee gobolka Texas halkaas oo ay ku dhaqantahay jaaliyad xoogan oo kasoojeeda soomaalida Ogaadeeniya. Faraca Amarillo oo ka warhayay waftiga kusoo fool leh ayaa isaguna dhankiisa kaga jiray dhaqdhaqaaq balaadhan oo isugu jira soodhoweyn iyo abaabul shirka kusoo food leh. Maalintii axadda ahayd ayuu shirkii ka firmay malaaga Amarillo waxaa shirka furay godoomiyaha faraca mudane shafi xirsi isaga kawarbixiyay wax qabadka jaaliyada Amarillo ammaanna u soo jeediyay waftiga iyo howlaha kormeerka abaabul ee ay kawadaan gobolka Texas. Sidoo kale faraca Amarillo oo run ahaantii muujiyey isku duubnaan ayaa u balanqaaday waftiga soo booqday in ay taageero hiil iyo hooba ah lagarabtaaganyihiin halganka uu ku jiro shacbiga Ogaadeeniya.
1 Comment
mudane Axmed-majeerteen iyo wftiga uu hogaaminhayo way mahadsanyihiin waxa ay wadaan dadaal, saas oo kale jaaliyadda reer ogaadeenya ee dagan Texas waa ay dadaalayaan
mas`uuliinta iyo jaaliyaddaba guulaysta siina giijiya…………….