Wadada-hadalka qaybtiisii hore waxay igu ahayd kadis mana aana u diyaargaroobin. Balse qaybta danbe waxaan haystay fursad aan kudiyaarsado xoogaa fikirado, suaalo iyo dood dhismeed ah.

Asfow wuxuu hadalkiisii ka bilaabay wixii aan ku aqaanayEthiopia; “waxaan kaaga mahadcelinayaa kuuguna hanbalyaynayaa is afgaradka wanagsan ee idin dhexmaray adiga iyo General Fanta, heshiiska aad ku gadheen inaad nabada ka wadashaqaysan. Arintaa ayana igu dhiirigaliyay inaan aniguna makhradi ka noqdo idinlana joogo’.

Hadalkaas waxaan u qaatay inuu yahay aflagaado mana aana sugaynin. Xoogaa sidii aan ninkii hore ku arkay islawaynayn, marin habaabin ayuuna hadalkoodu kubiyo shubtay. Anigana waxaan go’aansaday haday islawayni ku socdaan in aanan islayaraanin laftaydu.

 “Ninyohow aniga iyo Tafasse maanana heshiinin balse waanu is-khilaafnay waanuna ku kalatagnay. Hadii aad adigu wax kabadalan hayso waan wada hadli karnaa hadii kaleeto dantaada haka dibjirin” ayaan ugu jawaabay.

Wuxuu ku andacooday in generalku sida warka ku soo gaadhsiiyay isaguna uu run u qaatay aniguna aan eega ka baxayo wixii aanu ku heshiinay. Isagoo dhulka isdhigaya ayuu raaciyay; “hadii aaad ka baxday waxaad kula heshiisay Generalka saw mamuujinayso inaad kabixi doonto wixii aad aniga igula heshiiso xataa hadiiba aan sii wada hadalno”

Waxaan u qaatay inuuna doonaynin in wada hadkanagu soo afjarmo balse uu doonayo in wadadii hore laga leexiyo oo laygu qasbo wax aana ogolaanin oo uu ku sheegayo heshiis. Waxaan hubay hadii aan waydiiyo maxaanu ku heshiinay Fanta inuu idhihi lahaa; inaad baasaboor soo doonato, dalkiina timaado nabadana ka qayb qaadataan adiga iyo asxaabtaadu. Waxaan go’aansaday inaan wadahadalka ku soo celiyo noocii hore ee aflagadada iyo muranka u badnaa. Waxaan ku idhi; “Tafasse wuxuu ahaa hogaamiye loo tababaray cabudhis iyo cigaab fulin oo kali ah, waxaana waydiiyay inuu cid siyaasi ah soo diro hadii hadal larabo, waxaanan rajaynayay inuuna Fanta oo kale mardanbe igu soo noqonin, haddase waxaaba ii muuqata in aydaan isdhaaamin. Adigu hadda kala dooro, inaan wadahadal sii wadno hadaad rabto sinaan iila hadal hadii inaan ku dhagaysto aad rabtana been abuuradka iskadhaaf oo bog cusub inoo fur”.

Markan ayuu sheegtay wuxuu yahay; “Waxaan ahay diplomasi ka tirsan xafiiska Raysul wararaha waxana qayb ka qaatay heshiiskii UWSLF, waxaana kaa balan qaadayaa hadii aad wadada nabada raacdo inaad heli mustaqbal fiican.”

Doodayadii waxay qabsatay wadadii aan rabay waxaana aad iiga yaabiyay hamuumta uu u qabay arintan oo igu dhiirigalisay inaan wanaajisto doodayda. Wuxuu iwaydiiyay isukaysheeeg.

Waxaan su’aal ka waydiiyay in ninka uu sheegay inaanu heshiinay uu u sheegay cidda aan ahay iyo inkale ayaan ku idhi soo dhawow “ninow”anigoo isticmaalay ereyga ah –Welcome Gentleman -. Wuxuuna igu celceliyay isukay sheeg, aniguan waxaan ku celiyay Fanta yaan is aqoonsanay. Ninkan wuxuu raadinayay aqoonsi kale. Wuxuuna yidhi; “Waxaan rabaa inaad ii sheegto qabiilka aad kasoojeedo”

“Aniguba maana kuwaydiinin qabiilkaaga” yaan ugu jawaabay

Waqti badana bayna naga beer-daraysay su aashaasi. Wuxuu isubadalay inuu isagu i su’aalo ma ree hebel baad tahay mise ree hebel. Waxaanse ugu soo koobay waxaan ahay ONLF.

Isagood moodo inuu si xun uga xanaaqsanyahay cabsi la’aantayda ayuu yidhi; “Dal aad adoon ku tahay baad ku nooshahay ood iskadhigaysaa nin xor ah, dhulkaagii iyo dawladaadiina waad didaysaa.”

“Waxaan ahay xor balse dalkayga dhexdiisaan adoon ku ahay mana jirto waxkasta ood samayso si maanta aad iigu qasbikarto waxaanan rabin waana ka soo fogaaday xabsiyadiinii ciqaabta badnaa” ayaan ugu jawaabay.

Wuxuu iga codsaday in aanu kala nasiinyo doonano galinka danbana noo ahaato wakhti dheerna aan ku soo talagalo.

Daqiiqado kadib waxaa khadka soo galay generalkii Fanta ahaa oo ii sheegay inuu doonayo inuu hubsado inaanu ishelnay ninkuu soo diray balse ujeedadiisu waxay ahayd inuu i cabsigaliyo.

Sikooban ayaan ugu sheegay inaanu ismaqalay ninkaas. Fanta wuxuu yidhi; “isbuucyo kadib waxaan imaan halkaad joogtaan”.

Waxaana ugu jawaabay;“gartay”. Hadalkiisii dal-dalka ahaa ayuu sii watay oo wuxuu yidhi; “ Labadeenaba guul bay inoo tahay in aan kawada shaqayno Nabada, idinkuna mustaqbalkiina yaad dib u dhisaysaan anaguna  dhismaha dhulka iyo horumarinta gobolankanagii baanu aadi lahayn waxaanuna ka nasan lahayn carqalada argagixisadu ku hayso dadka walaalahana ah ee Ogadeenka ah ee hadh iyo habeen ilaalintooda aanu u soojeedno”.

Waxaa ii muuqatay in aan kan waqti danbe siinin oo hadii laysku been abuurtayna aan layga badanin

Waxaan uga mahadceliyay ninkuu igu sooxidhay waxaana u sheegay inuu nin wanaagsan ahaa galabtana aanu ballansanahay. Waxaan idhi; “Siyaasi daacad  ah weeye Asfow, wuxuuna qiray raaligalinna uu ka bixiyay dhibaatada ciidankaagu ka gaystay ciida Ogadenya, wuxuuna naga codsaday in aanu tacsi ka gadhsiino eheladii dadkii lalaayay, iyo kuwa lawaayay ama la jidhdilay. Waxaan ka cudur daaranayaa inaan wakhti abadn haynin aan kula sii hadlo.”

Sihal-haleel ah ayuu igaga codsaday inaan u gudbiyo xubnaha kale ee kooxda hadii aanan anigu waqti haynin, waana kadiiday. Mararbadan ayuu soo wacay sxb-daydii aanu wada-shaqaynaynay waxayse dhamaantood ugu jawaabeen in uu aniga igala hadlo wixii arimahaas ku saabsan.

Asfow wxuu igula soo laabtay hadalsidii hore wax aad uga badalan markan danbe. Wuxuu u umuuqday inuu badalay xeeladiisii. Inuu qiro dhibka laga-gaysto Ogadenia balse uu diido masuuliyada dhibkan. Meesha markii hore xeeladiisu ahayd inuu na afduubo eega wuxuu isu badalay inuu naqanciyo. Maana xusuusinin in Generalkii caqliga yaraa aanu isku soo laabanay isaguna ilama soo qaadin.

Wuxuuna hadalkiisii ka bilaabay ; “Raysulwazare Meles wuu kufarxay xidhiidhkeena wuxuuna ii amray inaan balaadhino sheekada, sifool kafool ahna isu aragno adiguna dadkaaga abaabusho ballanna aan qabsano”.

“Ujeedada wadahalkeenu maxau ku saabsantahay? Dalkanagii iyo dadkanagiiba waa dhamaadeen, haday nabada tahay idinkaa gacanta ku haya ee maad nabada keentaan? Hadii ay tahay intanada dibada ku maqan in been loo sheegana waad uun ku haraadi mooyee midho ka soo guri mayside ” ayaan ugu jawaabay.

“Dhibka jira waanu ognahay dadka xidhan waanu la soconaa laakiin waa mishkilad dhexdiina ah; ciidankiina iyo maamulkiina iyo jabhadiina unbaa isla-dagaalammaya. Dawlada dhexe waxay isku dayaysaa inay arintaas xal uhesho, waxaanu faaruqinay xabsiyo waawayn 700 yaanuna sii daynay inta kaleetana hadii dibad joogayaashu nala shaqeeyaan waa la sii dayn”.

Wakhtigan uu hadlayo waxaa socday dhimashadii baaxadalahayd ee jail ogadeen kajirtay. Waxaan xasuusiyay hadda xataa inay socoto dhibaato wayn oo kajirta jail-ogaden, dadkii dhintayna aaskii loo diiday kuwii aan wali dhimanine daawadii loo diiday. Wuxuuna ku soo celiyay;

“Waa runtaa laakiin waa kililkiina uuna dawlada dhexe shaqo kumalaha”.

Markuu dhufays halkaa ka galay iina muuqatay inuu ugu yaar an qirtay xasuuqa socda, waxaa ii soo baxay fursad kale. Waxaanan ku idhi; ”Kililka yaa xukuma? Dawlada dhexe miyayna la xisaabtamin kililada? Hadii ay khalad galaanse miyuuna sharcigu ka saraynin? Hadiise aydaan shaqaba ku lahayn arimaha kilalka Somalida waaxagee dhulka  aad iigu yeedhe inaan ku soo laabto? Maxero qaxooti oo Tigray ka dhex oodan baad igu xarayn?”

Wuxuu si gowdh-gawdh iyo gabidhac ah uga jawaabay su aalahaas isagoo leh; “Dawlada dhexe iyadaa dalka xukunta lakiin waxaan ka hadlay ayaad khalad ka fahantaye waxaan u jeeday kilalkiina oo musuqmaasuq ladagay yaa khaladka ugu wayn leh. Ciidanka dawladu waxay ilaaliyaan nabada sidii aanu u sugi lahayn, taasayna u dagaalamaayaan ..”, Wuxuu isticmaalay eragayn; we are fighting for the sake of peace  and one should bear in min that war  makes  robbery  and peace hangs them (nabada darteed un baanu u dagaalamaynaa waana in aad xasuusnaato dagaalku budhcad buu abuuraa nabaduse budhcaday dal-dashaa:”

Waxaan ugu jawaabay; “ (Are we now talking about the peace in the grave and you  have to bear in mind that even a war is better than a wretched peace.).. Ma waxad ka hadlaysaa nabada dadka quburaha ku jiraa ku noolyihiin, waana inaad xasuusnaataa in xataa dagaalku ka wanaagsanyahay nabad ciil iyo murugo aad ku nooshahay”.

Wuxuu iigu jawaabay; (But without the cooperation of our powerful government you will never be realistic in dreaming of getting peace by force) .. Laakiin waa inaad ogaataa  hadii aadan la shaqaynin dawladanada awooda wayn, waligaa si dhab ah uma aadan fikirin, waana riyo nabadda aad ku doonayso inaad xoog ku keento”.

Waxaan ku idhi; “ (when what you have is  a hammer, every thing looks you like a nail, but you need to know  when the cause is just the smaller conquered is the greater) .. Markaad dubbe haysato wax kasta musbaar baad moodaa, laakiin waxaad ogaataa hadii aad xaq ku socoto adigoo awood yar baad ka guulaysan midka awooda wayn”.

Asfow wuxuu ka badalay hadalkii noocii mindi-mindi ku taagta ahaa aniguna waan ku raacay waxaanu iswaydaar sanay hadalo beer-laxawsi ah oo isagu bilaabay. Wuxuuna ku dheeraaday hadalo been ah oo biyo dhiciisuna ahaa Somalida waanu jecelnahaye waanu isfahmi la’nahay.

Aniga iyo saaxiibaday go’aan kanagii horeeto wuxuu ahaa in aan ogaano dadka la shaqeeya nimankan arintaasna waxaa lagu helikaray in aanu la shaqayno oon la sii wadwadno.

Ugu dambayntii waxaanu isla garanay aniga iyo Asfow in aanu codsiyo isu soo jeedino ku saabsan sidii loo hor-marin lahaa wada hadalka.

Wuxuu soo jeediyay 3 qodob

  1. In aan ogolaado inaan lakulano safiirkaEthiopia eeNairobi.
  2. Inaan abaa-bulo dad badan si kulanka safaradu u noqdo mid dadbadani yimaadaan si loo hubsado in ay jiraan dad fikirkayga oo kale aaminsan.
  3. In aan xubnaha kale ee kooxdayda sidoo kale ay lahadlaan.

Waxaan ka diiday midda ugu danbaysa waxaana ka codsaday qodobkan.

Inay iga caawiyaan sidii dad kale oo hawshan igala shaqeeya aan u heli lahaa gaar ahaan dad aaminsan fikirka nabada si aan u helo shacbiyad.

Si quruxbadan buuna u aqbalay wuxuuna iga codsaday in General Tafasse uu khadka ku soo xidho si arinta “dad laygudaro” loo gorfeeyo waana ka aqbalay.

Generalkii wuu soo galay wuxuuna ii sheegay inuu nin igu soo xidhi doono Somali ah oo uu ku sheegay nin culimo ah oo aad u wanaagsan laguna kalsoonaankaro.

Qaybta 3aad waxaan ku soo qaadanaynaa  kulankii sheekhii jaajuuska ahaa iyo ciidankiisii oo dhinac ah iyo safiirka Ethiopia  Kenya u fadhiya oo dhan ah. La socoo.

Halkan ka sii Akhri Qaybtii 1-Aad.

ONA.

 

 
 

1 Comment

  1. Gaas says:

    Waan sugaynaa qaybta 3aad waxaan umalayn in ay tahay mida ugu xiisaha badane

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay