Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu bedalo Dastuurka dalkaasi Maraykanka ee xuquuqda dhalashada siinaya caruurta ku dhalata dalkaasi.

Hadalka kasoo yeeray Trump ayuu kusoo beegay xili ay todobaad ka hadhsan tahay doorashada Congareeska iyo Gobalada dalkaasi oo ay sanadkan si weyn ugu loo lamayaan xisbigiisa Jamhuuriga oo ka cabsi qaba inuu dhumiyo Aqlabiyada Congareeska iyo Dimuquraadiga oo wada olole xoogan.

Trump ayaa qorshahan cusub ku dhawaaqay xili maalmihii lasoo dhaafay cadaadis iyo cambaareyn xoog leh kala kulmay bulshada kadib markii qaar kamid ah taageerayaashiisa ay gaysteen weerarkii lagu qaaday xarun ay Yuhuuda ku cibaadeystaan oo ku taal magaalada Pittsburgh iyo waliba bambaanooyin loo kala diray siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Trump & hogaanka xisbiga Dimuquraadiga.

Trump ayaa sheegay in doorashadan qodobka ugu weyn uu ololaha ku galayo xisbigiisa ay tahay ka hortaga dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga imaanaya wadankaasi Maraykanka, waana midaasi arrinta sababtay inuu mid kamid ah taageerayaashiisa uu weerar ku qaado xarunta Yuhuuda ee magaalada Pittsburgh oo ay xafiis ku lahaayeen hay’ad caawisa dadka qaxootiga ah.

Wareysi uu bixiyey Trump ayuu ku sheegay inay khalad tahay in qaxootiga yimaada Maraykanka caruurta ay ku dhalaan dalka isla markiiba qaataan dhalashada dalkaasi sida uu qorayo qodobka 14-aad ee Dastuurka Maraykanka, isagoo sheegay inuu wareegto Madaxweyne ku joojin doono sharcigaasi ku qoran Dastuurka. Waxaase su’aalo badan laga keenay in Trump uu awood u leeyahay inuu gacantiisa ku bedalo dastuurka Maraykanka oo wax ka bedalkiisa ay tahay sharciyan in loo maro Congareeska.

Madaxweynaha ayaa booqasho ku tagay magaalada Pittsburgh oo shalay lagu qabtay aas loo sameeyey qaar kamid ah dadkii lagu dilay weerarkii magaaladaasi ka dhacay, waxaana Trump iyo xaaskiisa lagala hortagay banaanbaxyo ay dhigayeen shacabka magaaladaasi oo diidanaa inuu Trump halkaasi booqdo xili lagu jiro baroordiiqda, iyagoo ku eedeyey Trump inuu yahay ninka sababta u ah xiisada iyo cadaawada xiligan kala qeybisay shacabka dalkaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay