Ugu yaraan laba gabdhood oo muslimiin ah ayaa la filayaa in markii ugu horraysay loo doorto Aqalka Congress-ka Maraykanka.

Labadaas gabdhood ayaa kala ah, gabadh asal ahaan kasoo jeeedda wadanka Falastiin, laguna magacaabo Rashida Tlaib oo ka tartamaysa gobolka Michigan, iyo Ilhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda wadanka Soomaaliya kana tartamaysa gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Labadooduba waxay ka tirsan yihiin xibsiga Dimqoraadiga ah ee mucaaridka ah oo dadaal badan ugu jira sidii ay karkaarka u waydaarin lahaayeen xisbiga jumhuuriga ah ee talada dalka haya. Dhinaca kale waxaa si weyn u socda ololaha doorashada Mareykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay