Cwxo ayaa weeraro ay ku qaadeen deegamo kala duwan oo uu ku sugan yahay ciidanka cadawga ayaa waxay ku gaadhsiiyeen khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho , dhaawac iyo gadiid la gubya intaba

Dagaalada  dhexmaray cwxo iyo kuwa cadawga ayaa  waxaa cadawga lagaga furtay hub iyo saanad ciidan

Dagaaladan  sida xoogan uga socday gudaha ogaadeenya maalmihii ugu danbeeyay  ayaa ku diirsaday dadka ogaadeenya oo xilligan galay  gugii  oo si fiican u da’aya

Dagaaladaasi waxay u kala dhaceen sidan

4/4/12 kamiin loo galay kolanyo gaadiid ah wadada isku xidha  Dhagaxbuur iyo Jigjiga meesha loo yaqaan  Higlayay  ayaa waxaa ugu  horaynta  halkaa ku basbeelay halbaabuur oo nooca ciidamada qaada iyo dhamaan ciidankii saraa,  waxaana jira dhaawac kale oo soo gaadhay  ciidankii kolanyadaa waday.

5/4 /12 dagaal ka dhacay  Gurdumi  oo ka tirsan degamada Awaare ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari  iyadoo ay jiraan dhaawac la soo gaadhsiiyay isla 5/4/12 dagaal ka dhacay magaalada Garbo ayaa waxaa ciiada ka cadawg  lagaga dhaawacay   2 askari oo kale

3/4/12 dagaal ka dhacay  Duudlibaax oo ka tirsan degmada Garbo waxaa  cadawga lagaga dilay 1 askari waxaana looga dhaawacay 3 kale

9/4/12 dagaal ka dhacay  Maroodilay  kaas oo aan idiinku soo gudbinay wararkii hore ayaa waxaa ka soo baxay warar hor leh oo sheegaya in halkaa uu ku  dhintay taliyhii ciidankaa  dagaalku qabsaday watay oo darajadiisa lagu sheegay  gaashaanle dheexe , dilka sarkaalkan oo markii hore la isku dayay in la qariyo ayaa waxaa fashiliyay  qaar ka mid ah ciidankii dagaalka  galay.

Waxaa wali halkooda ka sii socda hawlagada milatari ee ay cwxo ku hayaan kuwa cadawga doolka ah

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay