Cudurka Daacuunka oo Ka dilaacay Gunagado iyo 14 u dhintay cudurkaas.
CUDURKA DAACUUNKA OO KA DILAACAY MAGAALADA GUNAGADO DADNA KU LAAYAY
Ciidamadii cadawga ee daganaa magaalada Gunagado ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu hayey cudurka daacuunka kaas oo ka laayay ciidan badan ,ciidankan sida la xaqiijiyay maysan helin wax dhakhaatiir ah. waxayna cudurkan qarsanayeen in mudo ah. Hadaba xanuunka oo sida la ogyahay ka mid ah cudurada u faafa sida dagdaga ah ayaa waxa uu u gudbay hada dadka shacabka ah ee magaalada Sida aad la socotaan dalka oagdeenya malaha isbitaalo nooca ay doonaanba ha ahaadeene Hadaba cudurkan ay soo gudbiyeen ciidamada cadawgu ayaa waxa uu hada fara ba’an ku hayaa deegaanka magaalada Guunagado isaga oo la sheegayo in xataa laga dareemay magaalada Dhagaxbuur Xanuunka daacuun caloolaha ah ee wata shubanka badan ayaa inta ilaa hada la xaqiiyay waxaa u dhimatay 14 ruux oo isugu jirta caruur iyo dad waawayn, waxaana u jiifa dad aad u badan Hadaba waxaa jira in haayadihii samafalka laga mamnuucay dalka ogaadeenya taasina ay qayb ka tahay in la xakamyn waayo cudurkaas Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu umada tabarta daran caafimaad ugu badalo cudurkaana si degdeg ah uga joojiyo aamiin
ONA |
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.