waxaa maanta si heer sare ah loogusoo dhaweeyay garoonka Garaad wiil waal Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) halgame Cadaani Hirmooge.

Garoonka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Halgame Cadaani Hirmooge qaar kamida hawul wadeenada JWXO ee ku sugan magaalada Jig Jiga, madax Jabhadeed iyo qaar kamida shacbiga soomaalida Ogaadeniya.

Shacabka soo dhaweeyay afhayeenka JWXO ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo dareen sareeya.

Maahan markii koobaad ee madax kamida JWXO lagu soo dhaweeyo tani intuu uu is badalka guud ku yimid nidaamkii gumaysiga ahaa ee TPLF.

ONA/Jig Jiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay