Dil ka dhacay magaalada Garbo iyo boob xaddhaaf ah oo uu cadawgu u gaystay isla Garbo gudaheeda.

Sida cadadada ah ciidanka cadawga ayaa waxay ciqaab joogto ah ku hayaan dadka dagan ogaadeenya oo ay gumaystaan Ciqaabahan kala duwan ee isugu jira dilka, dhaca, xadhiga iyo jidhdilka ayaa waxaad yihiin kuwa maamulka dawlada itoobiya ay u xalaalaysay ciidanka bahalka ee ay ku soo dayeen dalka Dhibaatooyinkan naxdinta xanbaarsan ayaa subax walba la waabariista dadka ogaadeenya Arimahaas naxdinta iyo murugada leh kuwii ugu danbeeyay ee nasoo gaadhay ayaa ay magaalada garbo kamid tahay waxaana u dhaceen sidan:

Dil

2/4/12 waxaa lagu dilay magaalada Garbo Alle ha u naxariistee marxuum lagu sheegay Ina sheikh maxamuud

Dhac

4/4/12 waxaa magaalada Garbo ka dhacay boob lagu qaaday dukaamadaii yaryaraa ee ay dadku kula dagaalamayeen nolol maalmeedka.

Dhacan aan aabayeelka lahayn ee ay qaadeen ciidanka cadawgu waxaa ku caydhoobay dad badan oo aan awalba noloshoodu iska liitay haseyeeshe nafta ku maaweelinayay wax yar oo ka muuqday gacantoda , waxaana si xoog ah kaga faramaroojiyay ciidanka cacawga ,dadkaa inta aan ilaa hada helay waxaa ka mida

Xasan sulub 10,000

Xasan jigre 10,000

Xuseen sheikh cabdulaahi 10.000

Maxamed khaliif ursad 10,000

Cabdi wahaab xaaji cali 10,000

Dhagawayne sheikh mukhtaar 20,000

Cabdi fariid 10,000

Waxaa jira ganacsado waxoogaa ka tabar roonaa kuwa aan soo sheegnay oo iyagana waagu u baryay iyaga sida muuqata ka caydhoobay hanti wixii ay la gabaldhacsadeen, hadana aan heysan waxay dabka saaraan, waxaana ka mid ah dadkaa

Shamsa cabdi shiil oo lagala wareegay hal baabuur iyo hantidii saarayd oo dhan

Cabdi qaadir yugaandhe oo lagala wareegay hal baabur iyo hantidii saarayd oo dhan

In cabdi guudcade oo lagala wareegay rarkii baabuur ka

Xidhay

1/4/12 ayaa waxaa lagu xidhay magaalada Garbo

Yuusuf maxamed biyo diid

Dhibaatooyinkan ka midka noqday nolol maalmeedka shacabka ayaa waxay raaxo ugu muuqdaan ciidanka cadawga oo nafaqaysanaya dhiiga shacabka ogaadeenya

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay