Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa shalay la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).

Xubnihii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee aduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo. Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen Barnaamijyada la xidhiidha hormurinta dhaqaalaha oo ay ka wadaan Soomaaliya, isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hada banaan.

Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa dhankooda la wadaagay shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha uu guddigooda u xil saaran yahay. Sidoo kale waxa ay la wadaageen waxyaabaha uu golaha shacabka u baahan yahay.

Guddoomiyaha guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Bankiga aduunka wax badan ay ka taageeri doonaan Golaha Shacabka.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay