Wasaarada Warfaafinta ,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhacdadii ay ciidamada AMISOM shalay dad ku laayeen magaalada Muqdisho .

Wasaaradda ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaadhay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee shalay ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoo baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.

Dowladdu waxa ay waddaa baadhitaan ku saabsan dhacdada shalay dhacday, iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna ka xuntahay waxyeelada gaadhay shacabka Soomaaliyeed.

Ma aha markii ugu horeysay oo ciidanka AMISOM ay dad ku laayeen magaalada Muqdisho ama meel ka baxsan waxaana aan jirin la xisaabtan dhab ah oo lala yeesho ciidanka iyo saraakiisha AMISOM marka ay falal noocan oo kale ah ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay