Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya arin ugub ku ah dhaqanka Itoobiya oo baarlamaanka wadanku ay todobaadkan sameeyeen.

Sida xogta aan kuhelayno Baarlamaanka Itoobiya ayaa gaashaanka kudhuftay xubno loosoo magacaabay xilal kala duwan, kuwaas oo ladoonayay in ay Baarlamaanka dhexdiisa xilal kaqabtaan.

Xubnaha ladiiday in ay xilalka qabtaan waxaa kamid ah Amanuel Abraham oo ah kuxigeenka gudoomiyaha EPRDF, kaas oo loomagacaabay gudoomiyaha gudiga xidhiidhka caalamiga ah iyo nabad galiyada ee Baarlamaanka.

Sidoo kale waxay Baarlamaanku diideen Motuma Makassa oo ahaan jiray wasiirka gaashaan dhiga isla markaana sooqabtay xilal kale oo badan waxayna Baarlamaanku siwayn uga soo horjeedsadeen magacaabista labadan mas’uul.

Waa markii ugu horaysay oo Baarlamaanka wadanka Itoobiya uu is hor taago xilal shakhsiyaad loomagacaabay ama shaqo ay dowladu wadato, waxayna Baarlamaanka Itoobiya qaadeen talaabo ay shacabku kudiirsadeen taas oo ka dhigan in ay hor istaagi karaan qorshayaasha khaldan.

Aqoonyahanka iyo wax garadka Itoobiya ayaa talaabadan ku macneeyay mid micno leh, mar hadii xubnihii ay dadku soodoor ay hor istaagi karaan qorshayaal wadanka dhib ukeeni kara, waxayna aqoonyahanku arintan kusababeeyeen isbadalka guud ee wadanka kadhacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay