Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Walayta ee shucuubta koonfurta Itoobiya ayaa sheegaya isusoo bax wayn oo ay sameeyeen dadka shacabka ah ee deegaanka kudhaqan.

Sida xogta aan kuhelayno dad shacab ah oo cadhaysan ayaa gabi ahaanba xidhay wadada isku xidha magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo Walayta, halkaas oo sida lasheegayo ay gaadiidku hakad kujiraan.

Booliiska deegaanka shucuubta koonfureed ayaa isku dayay in ay xoog kukala eryaan dadka dibad baxa wada, waxayna dhaawacyo kala duwan ugaysteen 3 qof oo banaan baxayaashii kamid ah, kuwaas oo hada lagu dabiibayo Isbitaalada deegaanka.

Dadka shacabka ah ayaa sheegay in ay kacadhaysan yihiin cadaalad daro uga timid dhinaca dowlada dhexe ee Itoobiya, taas oo wli kufiirsanaysa dad maamulkii Tigreega lashaqayn jiray oo wali Gobolka jooga.

Gobolka shucuubta Koonfureed ayaa ladaalaa dhacaya dagaalo qoomiyado kusalaysan oo amaanka wax wayn udhimay iyo abaaro soo noqnoqday, waxayna shacabku doonayaan in ay dowladu wax kaqabato.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay